Faah-faahinta dab ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Seybiyaano + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Dab xoog leh ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho.

 

Dabkan ayaa saameeyay dhoor ganacsi oo halkaasi ku yiilay, isaga oo bur buriyay hantidii ku dhex jirtay.

Gaadiidka gurmadka ee Dab-damiska oo goobta soo gaaray ayaa ku guulystay in ay damiyaan dabkan, ayna ka badbaadiyaan inuu ku faafo goobo kale oo ganacsi.

Ganacsatada suuqa Seybiyaano ayaa ka hadlay waxyleeda uu geystay dabka ka kacay goobaha ganacsi ee suuqa, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayay goobaha ganacsi ee gubanaya, qaarkood ayaa la sheegay in gubashadooda ay ka dhalatay Koronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here