MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Shiinaha, isagoo kala hadlay arrimaha amniga, nabadda iyo ganacsiga.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay si gaar ah diiradda u saareen xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Ergeyga Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtida Dowladda Shiinaha ee ku aaddan taageerada nabadda iyo horumarka gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo ka mid ah dalalka muhiimka u ah istiraatiijiyadda Geeska Afrika.
Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Shiinaha ayaa isla falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, loona taageeri lahaa dadaallada lagu sugayo xasilloonida, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhab ah oo ku saabsan ka hortagga khataraha amni ee gobolka.
Dhanka kale, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal, iyagoo isla gartay in la kordhiyo maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, si loo horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga.
Wafdiga Dowladda Shiinaha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay kordhiyaan taageerada dhinacyada horumarinta iyo ganacsiga.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi dibadeed, si loo gaaro horumar waara iyo kobac dhaqaale oo dalka ka hanaqaada.




