Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Xasan ayaa Golaha Baarlamaanka u jeediyey khudbad dhinacyo taabaysa taas oo nuxurkeedu ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqat in bilowga ilaa dhamaadka Bisha December Soomaaliya ku guulaysan doonto in laga qaaso Cuno qabataynta hubka sidoo kale na uu soo dhammaado mashruuca dayn cafinta oo si dhamaystiran looga cafin doono Soomaaliya daynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here