MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo lagu daabacay barta X (Twitter) ee Villa Somalia.
Kulanka labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan baahiyaha degdegga ah ee bulshada ay wajahayaan iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda gargaar iyo dib u soo kabasho ee ka socda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo taageero dadka ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca gudaha.
Dhankiisa, Tom Fletcher ayaa muujiyay sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista iyo xoojinta taageerada bani’aadantinimo ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka ee la xiriira wax ka qabashada xaaladaha adag ee dalka ka jira.
Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay safar ku tagaan magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay.




