Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in wiilkiisa uusan ka cararin  Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wiilkiisa uusan ka soo cararin Turkiga kadib markii uu ku lug yeeshay shil gaari oo ka dhacay wadada weyn ee Istanbul 30kii November, waxaana uu intaa ku daray in uu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto oo tago maxkamada, usoo soo saartay amarka lagu soo xirayo.

 

Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka AP, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah oo dhaqtar ah uu ku sugnaa goobta shilku ka dhacay, sidoo kalena mudo maalmo ah ninka dhaawaca ah la joogay isbitaalka magaalada Istanbul.

“Waxay ahayd shil. Wiilkayga ma uusan cararin, waxa uu u qabsaday qareen difaaca,” ayuu yiri Madaxweynuhu. “Ma jirin wax amar ah oo lagu xirayo. … Markaa, ganacsi buu leeyahay oo dalka wuu ka soo baxay.”

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir ahaa ayaa mootada uu watay dabada uga dhacay Gaariga Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Maxamed lagu magacaabo, waxaana soo gaaray dhaawac culus 30kii bishii lasoo dhaafay, kaasoo ugu dhintay isbitaal 6-dii bishan Dec.

Maxkamada Turkiga ayaa amar ku bixisay in wiilka uu dhalay madaxweynaha la xiro, lagana mamnuuco inuu u safro dibadda ka dib markii uu dhintay muwaadinka Turkiga ah, balse wararka ayaa sheegaya in Maxamed uu Istanbul ka tagay markii warqadda lau soo xirayo la soo saaray.

“Waxaan kala hadlay inuu dib ugu laabto Turkiga, oo kasoo muuqdo maxkamadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Laakiin wiilkayga waa nin weyn, “go’aankuna isagaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska ninka dhintay.

“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga AP. “Waxaan la wadaagnaa murugada. Waanu ka xunahay dhimashada ku timid wiilkooda.”

Axadii, boqolaal dad ah, oo ay ku jiraan kooxaha mootooyinka ku shaqeysta oo shaqo wadaag ahaayeen wiilka shilka ku dhintay, ayaa mudaaharaad ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanaya in wiilka Madaxweynaha Soomaaliya lasoo qabtay, islamarkaana cadaalada la horkeeno.

Isniintii, diblumaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in gaariga uu watay wiilka uu dhalay madaxweynaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya. Qoyska Madaxweynaha ayaa ku socdaala Baasaboorka Diblomaasiga ah, waxayna horey ugu noolaayeen Turkiga.

Turkiga ayaa xiriir dhow la sameystay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku yimid Muqdisho xili dalka ka jirtay abaaro ba’an iyo macluul. Turkiga waxa uu siisay Soomaaliya gargaar bini’aadantinimo, waxa uu dhisay kaabayaal dhaqaale, waxa uuna Soomaaliya ka furay saldhig milatari oo uu ku tababaray Ciidanka dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here