Madaxweyne Xasan oo shir caalami ah uga qayb-galay magaalada Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee 𝐈𝐃𝐀, iyo madaxda Afrika kaas oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madashan ayaa u mahadceliyey madaxda bangiga horumarinta aduunka iyo dowladda kenya oo martigelinta laheyd, isaga oo sharaxaad ka bixiyey horumarka Soomaaliya ay ka gaartay Maaliyadda gaar ahaan wax soo saarka gudaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirka 21-aad ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee IDA, ayaa waxaa ka horeeyey shir wasiirada Maaliyadda Afrika iyo IDA shalay ku qabsoomay Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here