Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Bandhigay Qorsheyaasha Awood-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay qorsheyaal cusub oo lagu taageerayo dhallinyarada dalka.

 

Qorshayaashaasi waxaa ka mid ah dib-u-habeynta waxbarashada, dhiirri-gelinta barnaamijyada dhallinyarada, iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha, kuwaas oo u suurtagelinaya dhallinyarada inay si firfircoon uga qayb qaataan hogaaminta iyo go’aan qaadashada dalka.

Madaxweynaha, oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada ku saabsan dowladnimada, ayaa ku adkeeyay inay mideeyaan maskaxdooda, hal-abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si Soomaaliya ay ula tartanto dalalka horumaray ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg-deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay la yimaadaan hal-abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keena isbeddel guud oo dalka ka dhaca,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kartida iyo dhabar-adaygga dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhiiggooda u huray gobannimada iyo difaaca dalka. Waxa uu ku boorriyay barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda, oo uu sheegay inay qayb weyn ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal-abuurka iyo isku-filnaanshaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here