Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

0

Galgaduud – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil iyo marti-sharaf kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar. Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people and text that says "ANKA XO SGA DALKA CATIC AL ARMY FO CA POMCRS VI DUF XAI 0 0 ILIN r XEADATAI XB ADA TAN 26"May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here