DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay sanad guurada 17-aad ee Galmudug ayaa hambalyo ka dib sheegay In dabaal degga sanad guurada Galmudug uu ka dhici doono degaannada ay Al-Shabaab haatan joogaan, sida uu qorshuhu yahay.
“Sanad guuradaan, sanad guuradeeda dambe meelo badan oo anay maanta suurta gal ka ahayn in ay ku qabsoonto ayaan rajeyneynaa haddii Alle yiraahdo” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa xusay in wejigii koobaad ee dagaalka laga xoreeyay Al-Shabaab inta badan Hirshabeelle iyo Galmudug, isagoo sheegay in reer Galmudug ay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee labada maamul goboleed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee dul jooga goobaha kooban ee ay Al-Shabaab kaga hareen Galmudug iyo dadka kasoo baxsaday kal hore xarumaha Shabaab ee ka qayb qaadanaya halganka lagu xoreynayo shacabkooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug ay heerkan kusoo gaartay xasillooni siyaasadeed, wuxuuna xusay in asaaska horumarkuna lagu gaaro dib u heshiisiin bulsho, loona baahan yahay in mar walba lagu dhaqmo
Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuusan Shabaab uga faa’iideysan in dadka la geliyo dagaallo sokeeye, ciddii ficilladaas ku kacdana ay lamid tahay Al-Shabaab.