Somaliland oo maanta xukun adag ku riday Wariye Bushaaro Baanday

0

HARGEYSA (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in maanta maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay Wariye Bushaaro Cali Baanday oo muddooyinkii dambe xirneyd.

 

Xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro Cali Baanday ayaa ah xarigga la iibsan karo.

Hooyada dhashay oo warbaahinta la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay, sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa swalaac ka muujinayay Wariyeyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.

Sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro, taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here