Mahad Cabdalle Cawad oo markale loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursigii ugu horreeyey xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya Galmudug, iyadoona dib loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad.

Guddiga doorashada ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in Cawada uu ku soo baxay illaa 84 cod, halka musharixii la tartameysay ee Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay halaabeen codad gaaraya 17 cod oo ka mid ah ergooyinkii dhiibanayey codadkooda.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, iyada oo la gudaha-galayo kursiga labaada oo loo saadaalinayo, Yuusuf Geelle Ugaas oo horay isa calisay xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here