Maraakiibta mara badda Soomaaliya oo sameystay Ciidamo ilaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Qiimaha ilaalada gaarka ah ee markabka maraya xeebaha dalka Soomaaliya ayaa kor u kacay sanadkan, kadib markii ay dib usoo rogaal-celiyeen kooxaha burcad-badeeda oo billaabay afduubka maraakiibta ganacsiga.

 

Kadib markii uu khalkhal galay amniga Badda Cas oo Xuutiyiinta ay weerarka ka geysanayaan, ayaa maraakiibta waxay galeen khatar kale oo uga imaanaysa budhcad-badeedda ee ka soo cusboonaadey Soomaaliya.

Baahida loo qabo ilaalo hubaysan oo raaca maraakiibta ayaa sare u kacday 2024-kii, iyada uu ku kacayo markab walba ilaaladiisa lacag dhan $20,000.

Weerarada ay geysanayaan burcad badeeda Soomaalida ayaa kor u kacay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, marka loo eego lixdii sano ee la soo dhaafay xili maraakiibta mar horeba walaac ka qabeen weerarada Xuutiyiinta Yemen ee ka dhacaya Badda Cas.

Labo Markab oo lagu kala magacaabo MP Ruen iyo MV Abdullah ayay Burcad badeeda ku afduubeen xeebaha Soomaaliya labo bilood gudahooda, waxaana Ciidamada badda India ay soo badbaadiyeen markabka MV Ruen, iyo shaqaalihii la socday.

Howlgalka oo 40 saacadood socday ayaa lagu qabtay 35 burcad badeed ah, kuwaasoo la geeyay dhawaan magaalada Mumbai si halkaasoo loogu maxkamadeeyo.

Waxay burcad badeeda dib usoo nolaadeen kadib markii uu fashil so wajahay howlgalka ATLANTA ee Midowga Yurub oo sanado badan ka socday xeebaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis 10 sano ah la gashay Turkiga kaasoo lagu ilaalinayo badda Soomaaliya. Turkiga ayaa ku helaya heshiiska 30% lacagta laga helo khayaraadka badda ku jira, sida kulluunka iyo shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here