Maraykanka iyo Arrimaha Aqoonsiga Somaliland – Maxaa kusookordhay?

0
US President Donald Trump looks on after delivering an update on "Operation Warp Speed" in the Rose Garden of the White House in Washington, DC on November 13, 2020. (Photo by MANDEL NGAN / AFP)

WASHINGTON DC – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Washington ay weli taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay Somaliland qayb ka tahay, sida uu hadalka u dhigay.

 

Warbixin dheer oo ay baahisay Fox News ayaa si qoto dheer u eegaysay suurtagalnimada iyo danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanku ka heli karo haddii uu aqoonsado Somaliland. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay Maraykanka u soo bandhigtay fursado muhiim ah, oo ay ka mid yihiin saldhig ciidan oo laga hirgeliyo magaalada xeebta leh ee Berbera, iyo marin u helka kheyraad dabiici ah oo naadir ah.

Sidoo kale, warbixinta Fox News waxay shaacisay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu qorsheynayo inuu dhawaan booqasho rasmi ah ku tago Washington si uu halkaas ugu sii xoojiyo dadaallada xagga aqoonsiga. Madaxweyne Cirro ayaa horey u sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in ay aqoonsi caalami ah keento intii uu xilka hayo.

Dhanka kale, siyaasiyiin sare oo Maraykan ah, oo uu ka mid yahay Senatorka caanka ah ee Ted Cruz, ayaa taageeraya aqoonsiga Somaliland, iyagoo ku dooday in Somaliland ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo Maraykanka ka caawin kara in laga hortago saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Geeska Afrika.

Hase yeeshee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid dadaalladaas, iyada oo sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu khatar galin karo xasilloonida gobolka, isla markaana uu wiiqi karo iskaashiga amniga ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka digtay in tallaabo kasta oo aqoonsi ah ay dhiirrigelin karto kooxaha xagjirka ah ee ka faa’iideysan doona firaaqda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here