Mareykanka & Kenya oo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya.

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka wada-hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan wajahaya xaalado adag.

Uhuru Kenyatt & Antony Blinken ayaa sheegay in madaxda Soomalaiyeed looga baahan yahay inay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayna  soo gabagabeeyaan doorashada.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya ee sababay khasaaraha xoogan iyo barakaca.

“Madaxweyne Kenyatta iyo anigu waxaan ka hadalnay sida deg-degga ah ee loo joojinayo dagaalka, si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan doorashada oo ay ku dhaqmaan si is-xakameyn ah,” ayuu yiri Blinken

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha doo isku haya arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here