Washington, D.C. – Dowladda Mareykanka ayaa ku soo rogtay cunaqabateyn militari iyo dhaqaale Rwanda iyo afarta sarkaal ee ugu sarreeya, iyadoo lagu eedeeyay “taageero toos ah oo hawlgal” oo lagu fududeeyay guulaha kooxda jamhada ee m23 ee qabsatay dhul ballaaran oo bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).
Waaxda Hanti-dhawrka Mareykanka ayaa sheegtay in kuwa cunaqabateynta lagu soo rogay ay ahaayeen Vincent Nyakarundi, taliyaha ciidamada Rwanda; Ruki Karusisi, Major-General; Mubarakh Muganga, Taliyaha Ciidanka Difaaca; iyo Stanislas Gashugi, taliyaha howlgalada gaarka ah. Saraakiishani ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulaha M23, sida uu sheegay Waaxda Maaliyadda.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, ayaa sheegay in M23 ay ka mas’uul tahay xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xaquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal iyo rabshado ka dhan ah dadka rayidka ah, haweenka iyo carruurta. Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale ku baaqday in ciidamada Rwanda, hubka iyo qalabka militariga ay si degdeg ah uga baxaan bariga congo si loo ilaaliyo nabadda iyo fulinta heshiiskii Washington.
Dowladda Rwanda ayaa si adag uga jawaabtay cunaqabateynta, iyadoo afhayeenkeedu, Yolande Makolo, ku tilmaantay “mid aan cadaalad ahayn” oo qaldan. Rwanda waxay ku eedeysay DRC jebinta heshiiska nabadda iyada oo fulisay weerarro drone iyo howlgal dhulka ah, isla markaana sheegtay in ay diyaar u tahay kala bixida ciidamadeeda haddii DRC ay fuliso waajibaadkeeda.
Dhinaca kale, dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa soo dhoweeyay cunaqabateynta, iyagoo tilmaamay inay tahay “farriin xooggan oo ku saabsan ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalka.”
Xaaladda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa weli ah mid xasaasi ah, inkastoo heshiisyo nabadeed la saxiixay. M23 waxay weli ku sugan yihiin magaalooyinka muhiimka ah sida Goma iyo Bukavu, waxaana ku dhow xadka Burundi, taasoo kordhinaysa khatarta in colaadda ay ku fido gobolka oo dhan. Qiyaasaha Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in in ka badan 7 milyan oo qof ay barakaceen tan iyo markii dagaalkaasi bilowday.
Cunaqabateyntan Mareykanka waxay soo jeedinaysaa cadaadis caalami ah oo lagu xaqiijinayo fulinta heshiisyada nabadda iyo ilaalinta dadka rayidka ah, iyadoo Rwanda lagu booriyay in ay joojiso taageerada kooxaha hubeysan ee ka hawl gala bariga Congo.




