Washington — Dowladda Mareykanka ayaa dib ugu yeertay ku dhowaad 30 diblomaasi oo sare, oo uu ku jiro safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, tallaabo qeyb ka ah dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda arrimaha dibadda si ay ula jaanqaaddo ajendaha loo yaqaan “America First”, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in madaxda safaaradaha ugu yaraan 29 dal lagu wargeliyay toddobaadkii hore in xilalkooda ay dhammaanayaan bisha Janaayo ee soo socota. Dhammaan safiirrada la saameeyay ayaa xilalka la wareegay xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.
Qaaradda Afrika ayaa noqotay tan ugu saameynta badan go’aankan, iyadoo safiirro laga qaaday 13 dal, oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal iyo Uganda, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday tallaabadan, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana madaxweynuhu uu sharci ahaan xaq u leeyahay inuu doorto diblomaasiyiin si buuxda u taageeraya siyaasaddiisa iyo mudnaantiisa dibadda.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in safiirrada xilalka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee adeegga diblomaasiyadeed, balse loo oggolaaday inay ku laabtaan Washington si ay xilal kale uga qabtaan, haddii ay doortaan.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa walaac ka abuuray qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka iyo ururrada matala diblomaasiyiinta xirfadlayaasha ah, kuwaas oo ka digay in isbeddellada degdegga ah ay carqaladeyn karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaal ballaaran oo ay Washington ku doonayso inay dib ugu qaabayso joogitaankeeda diblomaasiyadeed caalamka, iyadoo la adkeynayo in safaaraduhu si dhow ula jaanqaadaan ajendaha siyaasadeed ee madaxweynaha.




