Mareykanka oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ka fulin karaan dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay weerar Al-Shabaab ka fuliso caasimada dalkaas.

 

Safaaradda waxay kula talisay muwaadiniinta Mareykanka in aysan tagin meelaha dadka isagu yimaadaan, sida maqaaxyada, goobaha cibaadada iyo dukaamada, maadaama ay jirto khatar iyaga ka dhan ah oo dhanka Al-Shabaab ka imaanaysa.

Muwaadin kasta oo Mareykan ah oo ku sugan Kenya ayaa loogu baaqay inuu xadido dhaq-dhaqaaqiisa, isla-markaana dib u eegis ku sameeyo safaradiisa gobolka Geeska Afrika oo Al-Shabaab ka fulisa weeraro.

Kenya ayaa ka cabsi qabta in AlShabaab weerar ay uga jawaabayso duqeymaha Israel ee Gaza ka geysato dalkeeda.

January 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay Hotel-ka DusitD2 oo Nairobi ku yaalla, halkaas oo ay ku dishay 21 qof.

Sanadkii xigay, sidoo kale Al-Shabaab ayaa weerartay saldhigga Mareykanka ee Manda Bay isla Kenya waxayna dishay 3 askari oo Mareykanka u dhashay.

Weerarada waxay ahaayeen kuwa Al-Shabaab ku taageeraysay Falastiiniyiinta, kadib markii Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here