Mareykanka oo ‘ka carooday tallaabooyin ay qaaday’ dowladda Soomaaliya

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligan cadaadis xoogan kala kulmeysa Mareykanka oo aqoonsaday tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda dhexe.

 

Mahad Cabdi Qare oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Mareykanka uu si gaar ah uga carooday heshiisyo dhanka difaaca ah oo Soomaaliya lasoo gashay dalal uu kamid yahay Turkiga, taas oo soo dadajisay digniinaha uuu haatan dirayo Mareykanka.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in arrimahan uu Mareykanka u arko in danihii uu ka lahaa Soomaaliya loo gacan gelinayo dowlado kale, sida uu hadalka u dhigay

Mahad Cabdi ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday magacaabista wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, isaga oo sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha dibadda ee taagan, maadaama 7 bilood ay wasiir la’aan ahayd wasaaraddu.

Soomaaliya ayaa xilligan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo ka kala dhashay wax ka beddealka dastuurka dalka iyo xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here