Mareykanka oo markale hanjabaad culus kasoo saaray doorashooyinka dalka

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa markale sheegtay inay talaabo ka qaadi doonto cidii carqaladeyso doorashooyinka socda ee dalka, gaar ahaan tan Baarlamaanka.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay ilaaliyaan waqtiga lagu balamay in lagu soo gabagabeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada,” ayaa lagu yiri qraalka lasoo dhigay barta Twitterka safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here