Washington – Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada dhaqaale ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii ay hore u shaacisay qorshe ay ku joojinayso maalgelinta howlgalka.
Go’aankan oo ay Axaddii shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka dhigan in Washington ay dib u eegis ku sameysay mowqifkeedii hore ee ahaa in la joojiyo maalgelinta UNSOS, oo door muhiim ah ka qaata bixinta saadka iyo taageerada howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horay u shaaciyay inuu joojinayo maalgelinta xafiiska UNSOS, isaga oo sidoo kale qorsheeyay in xafiiska gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027. Tallaabadaasi ayaa walaac ka dhalisay mustaqbalka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, maadaama uu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada saadka ee Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kaddib qiimeyn la sameeyay, Washington ay go’aansatay inay taageerto muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka UNSOS iyo AUSSOM.
Ilo diblomaasiyadeed oo shisheeye ah oo ka howlgala Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka, hase yeeshee wuxuu isbeddelka degdegga ah ee siyaasadda Washington ku tilmaamay mid aan la fileyn.
Diblomaasigan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Mareykanku uusan fursaddan u adeegsan cadaadis siyaasadeed oo lagu dhiirrigeliyo dowladda Soomaaliya inay xalliso khilaafaadka gudaha, isla markaana ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.
Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli ay soo dhowaanaysay go’aan laga filayay maxkamadda oo la xiriiray muranka muddo-kordhinta xilka Madaxweynaha. Tallaabadaasi ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo iska horimaadyo dhexmaray dowladda, mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u riixay qorsheyaal la xiriira hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse wax-ka-beddellada dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso ayaa dhaliyay khilaaf xooggan, gaar ahaan qodobada la xiriira muddada xil-haynta hay’adaha dowladda.
Dhanka amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa wajahaya caqabado, iyadoo kooxda ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa taageera. Bishii hore ayay kooxda sheegatay inay dishay boqolaal askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan xaqiijin tirada khasaaraha ay kooxdu sheegatay.
Sidoo kale, Uganda oo ka mid ah dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalka AUSSOM ayaa horay u sheegtay inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo mustaqbalka taageerada amni ee caalamiga ah.
Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii 2007 ku dhowaad laba bilyan oo doollar ku bixiyay taageerada howlgalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halka in ka badan 1.6 bilyan oo doollar uu ku taageeray ciidamada Afrikaanka ah ee dalka loo soo diray.
Washington ayaa sidoo kale sheegtay inay boqolaal milyan oo doollar ku bixisay taageerada ciidamada amniga Soomaaliya, iyadoo balaayiin kale oo doollar ay ku bixisay gargaarka bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarinta dalka.
Warqad ay dowladda Mareykanka dirtay bishii Luulyo ayay ku sababeysay go’aankeeda joojinta maalgelinta UNSOS, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeysay inaysan sameyn horumar ku filan oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab, la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo dib-u-habeynta hay’adaha amniga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in dib-u-cusbooneysiinta taageerada UNSOS ay gacan ka geysan doonto xakamaynta khataraha amni ee ka imanaya Soomaaliya, isla markaana laga hortagi doono in gobolka uu ka dhasho qalalaase amni oo ballaaran oo saameeya danaha Mareykanka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale caddeeyay in go’aanka cusub uusan ka dhignayn in Mareykanku taageero aan xad lahayn siinayo Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay xoojiyaan qorsheynta sidii loo heli lahaa hannaan amni oo goboleed oo waara.
Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in isbeddelka mowqifka Washington uu yimid kaddib qiimeyn gudaha ah oo laga sameeyay xaaladda Soomaaliya, taas oo laga muujiyay walaac laga qabo in dalka uu galo xaalad dowladnimo oo burbursan, haddii ay sii socdaan khilaafaadka siyaasadeed iyo caqabadaha amni.



