Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray duqeyn uu ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in gelinkii hore ee Sabtidi iyaga oo kaashanaya ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay duqeyn ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Seera oo qiyaastii illaa 45 KM dhanka woqooyi galbeed uga beegan magaallo xeebeedka Kismaayo.

Mareykanka ayaa warbixintiisa ku xusay in duqeyntaasi uu ku dilay ilaa 13 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin khasaare soo gaaray rayid.

Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in warbixin kale oo dheeraad ah ay ka soo saari doonaan duqeynta ka dhacday deegaanka Seera ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn taliska AFRICOM ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dowladda federaalka ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here