Boosaaso – Markab ganacsi oo toddobaadkii hore lagu afduubtay biyaha Gacanka Cadmeed ayaa la geeyay xeebaha Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu gacanta ugu jiro kooxo burcad-badeed Soomaaliyeed, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba qof oo ku sugan gobolka Puntland.
Markabka oo lagu magacaabo MT Asana, kuna socda calanka Tanzania, ayaa ah nooca qaada shidaalka iyo kiimikooyinka. Mid ka mid ah dadka la hadlay Reuters, oo sheegay inuu hore uga tirsanaa burcad-badeedda, ayaa sheegay in markabka ay saaran yihiin 20 shaqaale ah, kuwaas oo ay ku jiraan sideed muwaadin oo u dhashay Jarmalka iyo 10 u dhashay Filibiin, halka labada kale la rumeysan yahay inay u kala dhasheen dalal kale.
Qof kale oo deggan degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa sheegay inuu arkay burcad-badeed hubeysan oo cunno iyo sahay kale u daabulaya markabka, taasoo muujinaysa in markabka lagu hayo meel u dhow xeebaha Puntland.
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore u xaqiijisay in markab ay fuuleen rag hubeysan oo aan la aqoonsan xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, isla markaana markii dambe loo leexiyay dhanka biyaha Soomaaliya, iyadoo dhacdada lagu tilmaamay afduub.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay soo laba-kacleeyeen falalka burcad-badeedda Soomaaliyeed ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, kadib sannado ay si weyn u yaraadeen. Intii u dhexeysay 2008 ilaa 2018, burcad-badeedda Soomaaliyeed waxay caan ku ahaayeen afduubka maraakiibta caalamiga ah iyo dalabka madax-furasho malaayiin doollar gaareysa, hase yeeshee howlgallo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo ciidamada badda ee caalamka ayaa si weyn u dhimay weerarradaas.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo dabayaaqadii 2023 waxaa isa soo tarayay weerarro cusub oo ka dhacay biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Khubarada amniga badda ayaa arrintan la xiriiriyay hoos u dhaca ilaalada maraakiibta, xaaladaha amni ee gobolka iyo kororka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee ka faa’iideysanaya marin-biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ama maamulka Puntland oo ku saabsan afduubka markabka MT Asana, mana cadda tallaabooyinka la qorsheynayo si loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa.



