Marwada madaxweynaha oo la kulantay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

0

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim oo kulan casho sharaf ah la qaadatay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa kala hadashay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee hooyada iyo dhallaanka, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed.

Marwada koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo mar walba hormuud u ah ka shaqaynta danta guud, is-xilqaanka, wacyigelinta bulshada iyo tabantaabada danyarta Soomaaliyeed

Marwo Saynab Cabdi Macallim oo ku ammaantay Haweenka Soomaaliyeed doorkooda wanaagsan ee ay ka qaataan u adeegidda Qaranka ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku boorrisay in ay ka qayb galaan siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ah Haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo uga mahad celiyey Marwada Koowaad casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here