Muqdisho – Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Shariif, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal iyo taageerada Masar ee midnimada, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Danjiraha oo uu wehlinayay Safiirka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax, ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho kulamo la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirrada Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Batroolka iyo Macdanta, Maalgashiga iyo Warshadaha, Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, Ergeyga Gaarka ah ee La-dagaallanka Argagaxisada iyo Xagjirnimada, iyo Ku-simaha Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Sidoo kale, wafdiga Masar ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, waxayna booqdeen Safaaradda Masar ee Muqdisho iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.
Kulamadii dhacay ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo mowqifka adag ee Masar ay ku taageereyso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Masar ayaa mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed iyo ilaalinta qarannimada dalka.
Dhinacyadu waxay sidoo kale cambaareeyeen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga hadlay booqashadii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tagay magaalada Quddus ee Israa’iil. Masar ayaa booqashadaas ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo xaaladda sharci ee magaalada Quddus ee la haysto.
Waxaa kale oo kulamada lagu falanqeeyay arrimaha amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga gobolka si looga hortago khataraha amni iyo isku dayada lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay qorshaha ka qeybgalka ciidamada Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee taageeraya xasilinta Soomaaliya, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada.
Intaa waxaa dheer, waxaa laga wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga, batroolka iyo macdanta, maalgashiga, warshadaha, gaadiidka badda iyo cirka, iyo sidoo kale taageerada Masar ee tababarrada iyo barnaamijyada lagu kobcinayo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Booqashadan ayaa muujinaysa heerka sare ee xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, xilli labada dal ay sii xoojinayaan wada-shaqeynta ku saleysan amniga, horumarka iyo ilaalinta danaha guud ee gobolka.





