MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA

0

 DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

 WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GURIYEYNTA

IYO DIB U DHISKA

 MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA

SOOMAALIYA SURP II (P170922)

IYO

MAALGELINTA DHEERAADKA AH EE SURP II-AF (P178887)

 QAAB-DHISMEEDKA SIYAASADDA DIB U DAJINTA

HORDHAC

Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxa ay fulinaysa wajiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) iyada oo la adeegsanayo dhaqaale ay bixinayaan Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (SMPF) oo dhan 62 milyan US$ iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA) oo dhan 50 milyan US$. Mashruucan oo markii hore laga hirgeliyey magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa la ballaariyey, kadib heshiis hoosaad ah la saxiixay bilihii Agoosto iyo Sebtembar 2020, iyadoo lagu daray laba magaalo oo dheeraad ah oo kala ah Dhuusamareeb iyo Beledweyne. Magaalooyinkan ayaa lagu doortay iyadoo la eegayo mudnaantooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni iyo sidoo kale nuglaantooda (inay hooy u yihiin dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo kororka dadka deegaansaday).

RUKUNADA UU KA KOOBAN YAHAY MASHRUUCA

Mashruuca SURP-II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) ee ku lammaanan waxa uu ka kooban yihiin afar Rukumood (Components) oo horumarin ah. Rukunka 1aad waxa uu la xiriiraa (Kaabayaasha Dhaqaalaha Magaalada iyo Adeegyada), Rukunka 2aad waxa uu la xiriiraa (Xoojinta Hay’adaha iyo daaraasadaha), Rukunka 3aadna waxa uu  la xiriiraa (Maaraynta Mashruuca), waxaana lagu unkay Unugga Xiriirinta Mashruuca ee Wasaaradda Howlaha Guud (PCU ) iyo Unugyada Fulinta Mashruuca (PIUs) ee lixda magaalo, iyo  Rukunka 4aad oo ah, Ka Jawaabista Xaaladaha deg-degga ee Musiibooyinka (CERC).

MAALGELINTA DHEERAADKA AH (AF) EE SURP II

Iyada oo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku aadanaa in laga qeyb qaato gurmadka abaaraha, Rukunka 4aad (CERC) Bangiga Adduunka waxa uu oggolaaday dhaqaale wax loogu qabanayo abaaraha, qybna ka noqonaayo Maalgelinta dheeraadka ah oo dhan 41.5 milyan US$, ayna si wadajir ah u bixiyeen Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah (SMPF) iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA), lana filayo inuu Bangigu si rasmi ah u ansixiyo Juun 2022, waxayna qeyb libaax leh ka qaadan doontaa kor u qaadista hawlaha mashruuca SURP II. Howlaha mashruuca (sida, dib-u-dayactirka kaabayaasha magaalooyinka) iyo daboolida juqraafiyeed (lixda degmo ee gundhigga ah) waxay ahaan doonaan sidii hore.

UJEEDDADA HORUMARINTA MASHRUUCA

Ujeeddada Horumarinta Mashruuca (PDO) ee SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF), ee loogu talagalay inay kaalin muuqata ka qaataan wax ka qabashada abaaraha ayna maalgelineyso Rukunka Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah (CERC) ayaa ah “in la xoojiyo awoodda bixinta adeegyada guud ee dawladaha hoose, kordhinta helitaanka kaabayaasha dhaqaalaha ee  cimilada u adkeysan kara, kuna habboon magaalooyinka iyo in si degdeg ah oo wax ku’ool ah looga jawaabo barakaca ka dhashay abaaraha ka jira deegaanada la doortay”.

QAAB-DHISMEEDKA SIYAASADDA DIB-U-DEJINTA (RPF)

Qaab-dhismeedkan PRF ee loo diyaariyey SURP-II iyo AF waxay caddeyneesaa mabaadi’da dib-u-dejinta, qabanqaabada hay’adaha, iyo shuruudaha ee lagu dabaqayo mashruucyo-hoosaadyada ama qaybaha mashruuca si loo diyaariyo inta lagu guda jiro fulinta mashruuca. Marka mashruuc-hoosaadka ama qaybaha mashruuca gaarka ah la qeexo sidoo kalena macluumaadka lagama maarmaanka ah la diyaariyo, RPF waxaa laga diyaarin doonaa qorshe hawleed gaar ah oo dib-u-dejin (RAP). Hawlaha mashruuca ee sababi karta barakicin caadi ah iyo/ama mid dhaqaale ma bilaaban karaan ilaa RAP la dhamaystiro oo uu bangigu ansixiyo.

SAAMAYNTA ISTICMAALKA DHULKA LA IYO BAAHI DIB-U-DEJIN

Howlaha laga fulinaayo magaalooyinka laga hirgalinaayo mashruuca SURP II oo ah dib u dhiska waddooyin hore u jiray, aad bey u yartahay in loo baahdo dhul Iibsi ama dib u dejin xoog leh. Si kastaba ha ahaatee, mashruuc-hoosaadyada hoos yimaada SUPR-II iyo AF waxay keeni doonaan noocyada soo socda ee saamaynta dib-u-dejinta (oo inta badan ah barakac dhaqaale oo muddo gaaban:

  • Khasaare dhaqaale oo oo muddo gaaban ah oo soo gaara ganacsiyada, oo ay ku jiraan kooxaha nugul ee ku ganacsada hareeraha waddooyinka;
  • Burbur hantiyeed iyo dhismayaal ku yaalla hareeraha waddooyinka;
  • Barakaca dadka deggan hareeraha waddooyinka ;
  • Jarista dhirta ku yaalla hareeraha waddooyinka;
  • Xayiraadaha waddooyinaka iyo xannibidda dadka lugeynaya oo muddo kooban ah; iyo
  • khasaare hantiyeed.

QAAB DHISMEEDKA SHARCI IYO MAAMUL

Halbeegga Deegaanka iyo Bulshada ee Bangiga Adduunka ESS5 (“Milkiyinta Dhulka, Xaddidaadaha Isticmaalka Dhulka iyo Dib-u-dejinta/kicinta aan Ikhtiyaariga aheyn”) waa shardiga Bangiga Adduunka ee khuseeya arrimaha dhulka ee la xiriira hirgelinta shaqooyinka madaniga ah ee hoos yimaada SURP-II iyo AF. Mashruuca SURP-II iyo AF, halbeegga ESS5 ee Bangigaga ayaa ka horreyn doona shuruucda iyo qawaaniinta kale ee qaran, gobol iyo degmo.

YARAYNTA KHASAARAHA DIB U DEJINTA

Qaab-dhismeedkan RPF waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo sidoo kalena wax loogu qabto saameynta dhuleed ee la xiriira hawlaha mashruuc-hoosaadka SURP II iyo AF iyada oo loo marayo tallaabooyinka khasaare dhimista ee ku habboon. Khatarahan waxa lagu yareyn karaa:

  • Ka fogaanshaha iyo yaraynta saameynta barakaca caadiga ah iyo mida dhaqaale ee dadka ilaa inta ay suurtagal tahay iyadoo si wanaagsan loo diyaarinayo habka magdhowga iyo dib u dejinta;
  • Magdhowga khasaaraha ka dhashay iyo dakhliga lumay qiimeynta hab-nololeedka; iyo
  • Xaqiijinta kaalmada dib-u-dejinta, haddii loo baahdo, si wax looga qabto saamaynta hab-nololeedyada dadka iyo fayoobidooda.

SHURUUDAHA U-QALMITAANKA MAGDHOWGA

Dadka mashruuca saameyey (PAPs) oo u qalma magdhow/kaalmo la xiriira saameynta Mashruuca, waxaa ka mid ah:

  • Dadka leh xuquuq sharciyeed oo haysta dukumeenti rasmi ah (dhul ama hanti) sida waafaqsan sharciga qaranka si ay u caddeeyaan xuquuqdooda, ama dad si gaar ah loogu aqoonsaday sharciga qaranka inaysan u baahnayn dukumeenti.
  • Dadka aan lahayn xuquuq rasmi ah oo dhul ama hanti ah, laakiin haysta sheegasho la aqoonsan yahay ama la aqoonsan karo marka loo eego sharciga qaranka.
  • Dadka aan lahayn xuquuq sharci ah oo la aqoonsan karo ama sheeganaya dhulka ama hantida ay ku nool yihiin ama isticmaalaan. Dadka ay dhibaatadu saameysey ee ka tirsan kooxdan uma qalmaan magdhowga dhulka, laakiin waxay xaq u leeyihiin dib-u-dejin iyo kaalmo nololeed iyo magdhowga hantida.

Kooxaha danyarta/ nugul ayaa xaq u leh magdhow/caawin siyaada ah. sida lagu qeexay qaab-dhismeedka siyaasadda dib u dajinta.

Dadka soo dega ama ku xad-gudba aagga mashruuca ka dib taariikhda diwaan gelinta uma qalmaan magdhow/caawin xagga SURP-II iyo AF.

 

FULINTA ARIMAHA DIB U-DEJINTA

Fulinta dib u-jedinta SURP-II iyo AF waxaa ka qayb qaadan doona Hay’adaha/ unugyada hoos ku xusan:

Hay’adda/Unugga Masuuliyadda
Dowladaha Hoose ee Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhaba Dhuusamareeb iyo Baladweyne
  • Fulinta iyo kormeerka guud ee mashaariicda SURP II iyo AF
  • Bixinta Magdhowyada
Unugga isuduwidda mashruuca (PCU) ee heer federal
  • Taageero xirfadeed la xiriira fulinta siyaasadda deegaanka iyo bulshada
Unugga fulinta mashruuca (PIU) ee dowladaha hoose oo ay taageerayaan la-taliyayaasha dhanka injineeriyadda iyo kormeerka

 

  • La Falgalka daneeyayaasha u dhow goobta mashruuca
  • Kormeerka dhammaan hawlaha ilaalinta, oo ay ku jiraan diyaarinta iyo hirgelinta RAPs
  • Kormeerka gudaha iyo qiimaynta hawlaha dib u dejinta iyo magdhawga
Guddiyada Magdhow Bixinta ee Dowlad hoose kasta
  • Qiimeynta khassara soo gaarey PAPs yada
Guddiga Sixidda Cabashooyinka  (GRCs) ee dowlad hoose kasta

 

  • Wax ka qabashada cabashooyinka la xiriira mashruuca, marka laga reebo kuwa racfaanka laga qaatay ama u baahan faragelin gaar ah ee PIU.
  • Warbixin ku saabsan habka xalinta cabashada oo loo gudbiyo PIU iyo bulshada
Wakiilka/Hanti-dhawraha dhinaca saddexaad ee meteleya Bangiga Aduunka.
  • Dabagalka iyo Qiimaynta Dib-u-dejinta iyo hawlaha magdhawga oo ay ku jiraan diyaarinta xisaab-xirka.

 

MIISAANIYADA FULINTA

Qorshe hawleedka Dib-u-dajinta RAP waxay ku jiri doontaa miisaaniyad qeexan oo loogu talagalay hirgelinta hawlaha dib u dejinta oo ay ku jirto bixinta magdhow. Miisaaniyaddu waxay dabooli doontaa hawlaha dib-u-dejinta oo ay ku jiraan kharashka magdhowga hantida ay saamaysay sida dhulka, dhismayaasha, geedaha miraha, iyo luminta helitaanka. Kharashka magdhowga waxa bixin doona dawladda hoose.

HABKA XALINTA CABASHADA (GRM)

SURP-II iyo AF waxay yeelan doonaan hannaan xalinta cabashooyinka oo waxtar leh sidoo kalena si hufan wax laga qabanaya tabashooyinka daneeyayaasha. Dhaqan ahaan, waa inay noqotaa mid ku habboon oo si fudud u heli karaan dhammaan dhinacyada uu mashruuca saameeyay, iyada oo aan wax kharash ah laga bixin oo aan wax ciqaab ah lagu samayn. GRM kama hor istaagi doono helitaanka garsoor ama magdhow maamul.

Wixii talo ah ama tabasho ah ee la xiriira mashruuca waxaad ku soo gudbin kartaa qaab qoraal, telefoon, fariin SMS iyo email ahaan. Si aad ugu gudbiso cabashadaada Dowladaha Hoose ee Hirgalinaaya Mashruuca SURP-II_AF waxa ay ka muuqdaan shaxda hoose.

Dowladda Hoose Telephone Email
Mogadishu 2323 (waa lacag la’aan) Xalinta.cabashada@gmail.com
Garowe 0907-747496

0907-790575

Mgure.suipp@plstate.so
Baidoa +252611435080 bmsurp2grc@gmail.com
Kismayo +252 619892222 grievancesurpii@gmail.com
Beledweyne +252 610369323 grievancessurp@gmail.com
Dhuusamareeb To be announced Cabashada.surp@gmail.com

 

KORMEERKA IYO QIIMAYNTA

Inta lagu jiro hirgelinta qorshe-hawleedka dib-u-dajinta, waxaa la sameyn doonaa kormeer iyo qiimayn (M&E) dib-u-dejinta si loo hubiyo in dhammaan PAP-yada in si  sax ah loo magdhabay. Kormeerka dib u dejinta waxaa fulin doona Khabiirka M&E ee PIU iyo wakaalad madax-banaan oo mateleysa Bangiga Aduunka.

 

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GURIYEYNTA

IYO DIB U DHISKA

MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  WAJIGIISA 2-AAD SURP-II (P170922)

IYO

MAAL-GELINTA DHEERIGA AH EE MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  WAJIGIISA 2-AAD – SURP-II-AF (P178887)

SIYAASADDA LA-MACAAMILKA DANEEYAYAASHA

HORDHAC

Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxa ay fulinaysa wajiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) iyada oo la adeegsanayo dhaqaale ay bixinayaan Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (SMPF) oo dhan 62 milyan US$ iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA) oo dhan 50 milyan US$. Mashruucan oo markii hore laga hirgeliyey magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa la ballaariyey, kadib heshiis hoosaad ah la saxiixay bilihii Agoosto iyo Sebtembar 2020, iyadoo lagu daray laba magaalo oo dheeraad ah oo kala ah Dhuusamareeb iyo Beledweyne. Magaalooyinkan ayaa lagu doortay iyadoo la eegayo mudnaantooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni iyo sidoo kale nuglaantooda (inay hooy u yihiin dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo kororka dadka deegaansaday).

RUKUNADA UU KA KOOBAN YAHAY MASHRUUCA

Mashruuca SURP-II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) ee ku lammaanan waxa uu ka kooban yihiin afar Rukumood (Components) oo horumarin ah. Rukunka 1aad waxa uu la xiriiraa (Kaabayaasha Dhaqaalaha Magaalada iyo Adeegyada), Rukunka 2aad waxa uu la xiriiraa (Xoojinta Hay’adaha iyo daaraasadaha), Rukunka 3aadna waxa uu  la xiriiraa (Maaraynta Mashruuca), waxaana lagu unkay Unugga Xiriirinta Mashruuca ee Wasaaradda Howlaha Guud (PCU ) iyo Unugyada Fulinta Mashruuca (PIUs) ee dowladdaha hoose ee lixda magaalo, iyo  Rukunka 4aad oo ah, Ka Jawaabista Xaaladaha deg-degga ee Musiibooyinka (CERC).

MAALGELINTA DHEERAADKA AH (AF) EE SURP II

Iyada oo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku aadanaa in laga qeyb qaato gurmadka abaaraha, Rukunka 4aad (CERC),Bangiga Adduunka  waxa uu oggolaaday dhaqaale wax loogu qabanayo abaaraha, Qeybna ka noqnaaya Maalgelinta dheeraadka ah oo dhan 41.5 milyan US$, ayna si wadajir ah u bixiyeen Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah (SMPF) iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA), lana filayo inuu Bangiga Adduunka si rasmi ah u ansixiyo Juun 2022, waxayna qeyb libaax leh ka qaadan doontaa kor u qaadista hawlaha mashruuca SURP II. Howlaha mashruuca (sida, dib-u-dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka) iyo daboolida juqraafiyeed (lixda degmo ee gundhigga ah) waxay ahaan doonaan sidii hore.

UJEEDDADA HORUMARINTA MASHRUUCA

Ujeeddada Horumarinta Mashruuca (PDO) ee SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF), ee loogu talagalay inay kaalin muuqata ka qaataan wax ka qabashada abaaraha ee Rukunka 4aad oo ah Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah (CERC) ayaa ah “in la xoojiyo awoodda bixinta adeegyada guud ee dawladaha hoose, kordhinta helitaanka kaabayaasha dhaqaalaha ee  cimilada u adkeysan kara, kuna habboon magaalooyinka iyo in si degdeg ah oo wax ku’ool ah looga jawaabo barakaca ka dhashay abaaraha ka  jira deegaanada la doortay”.

LA-MACAAMILKA DANEEYAYAASHA

In daneeyayaashu si wax-ku-oolka uga qeeyb-qaatan hawlaha ah waxa ay xoojneysaa arrimaha la xiriira deeganka iyo sidii mashruucu bulshada dhexdeeda uga noqon lahaa mid waara. Waxay sidoo kale kor uqaada fursadaha keeni kara in bulshadu lala macaamilaayo aqbalaan mashruucda, iyadoo walibana gacan xoog leh ka qaadaneysa diyaarinta iyo hirgelinta mashruuca. Iyadoo la raacayo Halbeeg Bangiga Aduunka ee Arrimaha Deegaanka iyo Bulshada ee 10-aad (ESS10: La-macaamilka daneeyaasha and shaacinta macluumaadka), Wadanka deeqda helay waxaa looga baahanyahay in diyaariyo, welibana dhaqangeliyo Siyaad lagu macaamilaayo daneeyaasha taaso si cad u qeexeeysa waqtiga iyo hababka loola macaamilaayo daneeyaasha inta mashruucu socdo.

Iyadoo laga jawaabaayo codsiga ka yimid Dawladda Federalka Soomaaliya ee kaalmo siinta gurmadka abaaraha, Qeybta 4-aad (CERC) ee mashruucda ayaa kharash ku bixin doonta hawlaha gurmadka abaaraha ee la oggolaaday. Ururka caalamiga ah ee socdaalka (IOM) oo hogaaminaya dalada Danwadaag ayaa ku hawlan sidii ay adeegyo caafimaad, hooy, agabka aan cuntada ahayn (NFI) iyo biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH) u gaarsiin lahayd barakacayaasha imanaya saddexda magaalo ee Muqdisho, Baydhabo, iyo Garoowe oo ay horay ugu sii qulqulayeen barakacayaal aad u fara badan oo ka dhashay abaarta.

HAWLAHA DHISMOOYINKA EE SAAMEYNTA WANAAGSAN KU YEELAN KARA DEEGANKA IYO BULSHADA.

Maalgelinta mudnaanta leh ee hoos timaada Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) waxaa ka mid ah dayactirka/kor u qaadista: (i) waddooyinka waaweeyn iyo yaryar ee magaalooyinka, (ii) buundooyinka; (iii) bulaacadaha; (iv) marshabiyeedyada; iyo (v) rakibidda nalalka waddooyinka. Hawlaha gaarka ah ee la qabanayo waxaa ka mid noqon doona: burburinta dhismayaal duugoobay; qaadista qashinka ka dhasha hawlaha dhismaha, dhirta aan nacfiga laheyn, dhagxaanta waaweyn, cawska iyo caqabadaha kale; qodista bullaacadaha furan, dib u buuxinta  biyo-mareennada ; xoojinta aas-aaska wadooyinka, iyo dhismaha wadooyinka.

FAA’IIDOOYINKA DEEGAANKA IYO BULSHADU HELAYAAN.

Mashruuca waxaa la filayaa inuu keeno saameyn wanaagsan ee dhanka deegaanka ah, sida: (i) tayada hawada oo hagaagtay sababtoo ah ciriiriga waddooyinka oo yaraaday; (ii) bedqabka dadka lugaynaya waddooyinka oo horumarta; iyo (iii) daadadka saameya wadooyinka oo yaraada taaso ka dhalaneeysa bulaacadaha oo la horumariyay. Mashruucu wuxuu sidoo kale sameeyn wanaagsan ku yeelanaya bulshada, tusaale ahaan : (I) Bulshada oo fursad u hesha inay isticmaalan dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo goobaha kale ee lagu bixiyo adeegyada bulshada iyo korukac wanaagsan oo kuyimaada hab-nololeedka dadka, (ii) Kor-ukaca amniga iyo badqabka dadka oo ka dhalaneysa horumarka lagu sameeyay wadooyinka iyo nalalaka ku xiran, (iii) Fursadaha shaqada ee bulshada oo kor ukaca kuyimaada maadama la dhisay kaabayashaa maxaliga, (iv) Saameyn dhaqaale oo wanaagsan oo laga dareemo nololmaameedka dadka iyo ganacsiyada; iyo (v) bixinta taba-baro la xiriira horumarinta kabaayaasha magaalooyinka iyo gacan-kuheeyntooda, taaso faa’ido uleh shaqaalaha iyo saraakiisha dawladaha hoose.

SAMEEYNTA IYI KHATARAHA KU IMAANKARA DEEGAANKA.

Khatarta iyo saameyta deegaanka ku imaan karta taaso ka dhalaneeysa hawlaha dhismayaasha waa kuwo iskayar, muddo dheer aan jireeyn, oo waliba ku xadidan oo keliya deegaanka ku dhaw meelaha hawlaha dhismayaasha ah laga wado. Saameynta aan wanaagsaneyn ee ka dhalankarta waxaa kamida:

  • Wasaqda hawada oo kor ukacda, taaso ka dhalaneeysa isticmaalka gaadiidka dhismaha iyo qalabka culus ee la adeegsanaayo:
  • Wasaq ku timaada biyaha iyo ciida, taaso ka dhalankarta haddii si lama filaan ah u daato shidaalka gaadiidka dhismaha ama  ay jabaan boosaneerada ka dhisan meelaha dhismayaasho ka socdaa;
  • Khashinka ka dhalanaaya hawlaha dhismaha oo kor ukaca iyo isaga oo aan sidii larabay loo maareyn.
  • Carrada oo nadaab-guurta iyo carro-buura ah oo ka sameeysmata meelaha qaar, taaso ka dhalaneeysa hawlaha dhisamaha ee deegaanka isbedelka ku sameeyay.
  • Biyaha nadiifka aan aheyn ee laga soo daadiyo goobaha dhismuhu ka socdo ayaa laga yaaba inay meelo fariistaan, taaso keeni karta in ay abuuranto meelo biyo galeen ah oo cayayaan ka dhasho;
  • Increased noise levels due to construction works and operation of vehicles and heavy equipment;
  • Jawaqa sare oo aan habooneeyn oo ka dhalan-kara hawlaha dhismaha iyo gaadiidka la isticmaalaayo;
  • Disruption or loss of biodiversity and natural landscape at burrow pit sites;
  • Isbedel aan habooneeyn oo kuyimaada deegan iyo noolaha ku nool meelaha dhismuhu ka socdaa.

Saameyntaan aan mudada dheer jireeyn ee ka dhalaneeysa hawlahaan dhismaha waxaa looga hortagi kara ama lagu yareeyn karaa iyadoo la dhaqangelinaayo qorshooyin lagu maareeynaayo deeganka iyo bulshada.

SAMEEYNTA IYI KHATARAHA KU IMAANKARA BULSHADA:

Inkastoo ballaca hawlaha dhismuhu ay yihiin kuwo xadidan, waxaa jira karo khataro iyo saameyn mugleh oo imaan karta ( oo ay ku jiraa n kuwo amni iyo jinsi). Maadama ballaca hawlaha gaar-gaarka ah ay iska xadidanyihiin, kuna egyihiin horumarinta iyo dib udhiska wadooyinka horay ujiray, waxaan laga baqeeyn inay dhacdo baahi loo qabo in dhul lala wareego, dad labara kiciyo. Sameeynta iyi khataraha ku imaankara bulshada ee mashruucaan waxaa kamid ah:

  • In ganacsatada qaarkood ay waaayan ganacsigooda inta lagu guda jiro hawlaha dhismaha;
  • Burbur kuyimaada goobaha bulshada sida darbiyada, boosaneerada iyo qubuuraha;
  • Barakicinta dadka ku nool wadooyinka la dayactiraayo;
  • Khataro laxariira shaqaalaha iyo xaaladaha shaqada, sida shaqaaleeysiinta caruurta, muranka shaqada, kororka dadka shaqadoonka ah oo iska horkeeni karta shaqa doonka iyo bulshada deegaanka, dembiyada galmada, xadgudubyada ka dhanka bini’aadamka iyo xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga iyo faafka cudurada sida Caabuqa Covid-19.
  • Takoor lagu sameeyo kooxa laga tirada badanyahay iyo danyarta, taaso keeni karta inaysan ka faaideysin shaqooyinka ka dhalanaaya hawlaha mashruuca iyo
  • Khataro amni oo ku imaan kara shaqaalah mashruuca iyo daneeyaasha taageeraya diyaarinta iyo hirgelinta mashruuca.

HABKA XALINTA CABASHOOYINKA

Mashruucu wuxuu yeelan doona hab si degdeg ah oo wax ku ool ah loogu xalliyo cabashooyinka ka imaanaya daneeyayaasha. Habkaani wuxuu ahaan doona mid ku haboon dhaqanka meesha kajira, oo ay heli karaan dhamaan dadka sameeyntu kasoo gaarto mashruuca. Habkan xallinta cabashooyinka dadka kama hor istaagi doono inay cabashadooda la’aadaan hay’adaha garsoorka iyo kuwa maamulka. Dadka mashruucu saameeyo waxaa lagu wargelin doona jiritaanka habka xallinta cabashooyinka inta lagu guda jiro hawlaha la-macaamilka daneeyaasha. Cabashooyinka la diiwangeliyay iyo tallaabooyinka laqaaday waxaa sidoo kale loosoo bandhigi doona si guud, oo cid waliba arki karto. Habka xallinta cabashooyinka waxay ahaan doontaa mid kharsoodi ah, dhexdhexaad ah, u kuur-galeeysa xaaladaha gaar ah ee qofka, walibana ka turjumeeysa baahiyaha dadka mashruucu saameeyay. Habku wuxuu ogolaan doona in lasoo gudbiyo cabashooyin qarsoodi ah, xalna laga gaaro. Shaqsiyaadka soo gudbiya afkaartooda ama cabashadooda waxay codsan karaan in magacooda laqariyo.

Afkaar kasta ama cabasho ku saabsan mashruuca waxaa lagu soo gaarsiinkaraa mashruuca habab kala duwan oo ay ka midyihiin in qofku keensado, in taleefon lagu soo gudbiyo, in fariin taleefoon lagu soo qoro ama email.. Taleefoonada ama qaababka xiriirka loo sameeyn karo marka la doonaayo in cabasho la diiwaangeliyo ayaa hoos ku qoran.

Magaalada Teleefoonka Email
Mogadishu 2323 (toll free) Xalinta.cabashada@gmail.com
Garowe 0907-747496

0907-790575

Mgure.suipp@plstate.so
Baidoa +252611435080 bmsurp2grc@gmail.com
Kismayo +252 619892222 grievancesurpii@gmail.com
Beledweyne +252 610369323 grievancessurp@gmail.com
Dhuusamareeb Waa la diyaarineyaa Cabashada.surp@gmail.com

 

Habka Racfaanka

Mashruuca waxa uu yeelan doona sadax darajo ee cabashooyinka lagu xallinaayo kuwaa oo ka kala jirin doona degmada, magaalada iyo heerka Federaalka, sida ka muuqata shaxda soo socota. Qofka cabashada qaba wuxuu markasta awood uyeela doona inuu isticmaalo garsoorka iyo maxkadaha kajira dalka.

  • Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Degmo (Darajada 1-aad) : Gudiiga Xallinta Cabashada ee laga dhiseyo heer Degmo waxa ay ka koobnaan doonan kooxo matalayaa haweenka, dhalinyarada, oday-dhaqameedka iyo culumada diinta; kooxo matalaaya dadka mashruucu saameyay iyo xubno kasocda Dawladda Hoose. Habka Diiwangelinta cabashada waxa uu tixgelin doona nidaamyada maxaalliga ah ee xallinta cabashooyinka, oo ah kuwa Soomaalida badankeed isticmaasho. Habka diiwangelinta casbahada ee heer Degmo waxaa ka qeeyb-qaadan doona qandaraaslaha, marka aan laga maarmin, iyadoo tageero ka heli doonta Unugga Fulinta Mashruuca (PIU) iyo shirkadda  injineerka iyo lataliyaasha.
  • Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Goboleed (Darajada 2-aad): Habka Xalinta Cabashada ee heerka Gobol waxa uu xallin doona cabashooyinka lagu xallin waayo Degmooyinka. Habka heer Goboleedka waxa uu ka koobnaan doona saraakiisha Maamulka Gobolka (sida Gudoomiye Ku-xigeenka Arrimaga iyo Duqqa Magaalada), Unugga fulinta mashruuca, injineerka iyo kormeeraha iyo sidoo kale kooxo matalaaya dadka soo cabtay.

 Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Federaal(Darajada 3-aad):  Gudiiga Xallinta Cabashada ee heer Federaal waxa uu xallin doona cabashooyinka kasoo gudba Guddiga Xallinta Cabashooyinka ee Heer Goboleed, kaas oo u baahan in si guud looga arrinsado maadama laga yaabo in cabashooyinkaasi kajiraan magaalooyinka kala duwan ee ka qeeyb-geleya mashruuca.  Gudigga Xallinta Casbahada ee heer Federaal waxa uu ka koobnaan doona Unugga iskuduwinta Mashruuca ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib U Dhiska, kooxo matalaaya Gobollada cabashadu ka taagantahay iyo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee Dawladda Federaalka.

Habraaca Xallinta Cabashooyinka. Mashruucu waxa uu higsanaya inuu ku xalliyo cabashooyinka habraaca soo socda, kaas oo muujiinaaya waqtiga loo xadiday tillaab kasta:

  Tillaabooyinka Lagu Xallinaayo Cabashooyinka Waqtiga la-heeysto Cidda masuulka ka ah
1 Diiwangelinta cabashada Hal-maalin gudaheed Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Degmo oo taagero ka helaaya Unugga Fulinta Mashruuca, injineerka iyo kormeeraha
2 Baaris ku sameeynta xaqiiqada ka danbeeysa cabashada; oo haddii cabashada aan la aqbali karin (tusaale ahaan cabashooyinka aan la xiriirin mashruuca), waa in si cad loogu sheega cabtaha sababta aan cabashada loo aqbali karin. Saddax maalmood gudahood Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Degmo oo taagero ka helaaya helaaya Unugga Fulinta Mashruuca, injineerka iyo kormeeraha

 

3 Gudiiga Xallinta Casbahada ayaa ka doodi doona qaababka lagu xallin karo cabashada.

 

Saddax maalmood gudahood Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Degmo oo taagero ka helaaya helaaya Unugga Fulinta Mashruuca, injineerka iyo kormeeraha
4 Dhaqangelinta xalka cabashada, oo haddii cabtuhu uusan ku qancin xalka, in loo fasaxo inuu racfaan qaato. Saddax maalmood gudahood Gudiiga Xallinta Casbahada ee heer Demo, ama Gobol ama Federaal, haddii racfaan loo baahdo.
5 Cabasho u qaadashada Garsoorka dalka, haddii cabtuhu sidaa rabo. Xilli-kasta Cabtaha

 

Cabashooyinka la xiriira Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga (GBV). Si looga hortago in la ceebeeyo ama looga sii daro dhibka maskaxeed ama jireed amaba la sababo aar-gudasho ka dhan ah cabtaha, Gudiiga Xallinta Casbahada waxaa uu lahaan doona habraac taxadar sare leh oo lagu tacaalaayo Cabashooyinka la xiriira Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga. Xubnaha Gudiiga Xallinta Casbahada waxaa lagu taba-barayaa sida loola tacaalo kiisas Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga, waxaana jiri doonta shaqaale dhedig ah oo loo xilsaaro wax-ka-qabashada cabashooyinkaa nuucaas ah. Shaqaalahan waxaa la shaqeeyn doona shaqaalaha kale ee dhedigga ah ee ka hawl gala Xafiiska Unugga Fulinta Mashruuca. Si loo hubiyo in aan la ogaan cabtaha cidda uu yahay,  Xafiiska Diiwangelinta Cabashada waxa uu lahaan doona taleefoona lambar oo lasoo waco markii la-diiwangelinaayo cabashada. Markasta oo taleefoonka lasoo waco waxaa ka jawaabi doonta shaqaale dhedig ah oo u xilsaaran la-macaamilka bulshada. Lambaro wicitaankooda lacag la’aan yahay, sida kuwa Mogadishu laga hirgeliyay oo kale, ayaa la-filaaya inay noqdaan lambarada lasoo wici doono, si loo fududeeyo in dadku si sahlan usoo wacaan. Haddii kiis la xiriira Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga loosoo tabiyo Guddiga Xallinta Cabashooyinka, waa in si degdeg ah loogu gudbiyaa hay’adaha ku shaqada leh lata-caalka arrimaha nuucan ah, sida kuwa bixiyo talooyinka caafimaad, hooy lacag la’aan ah iyo adeegyada kale ee daruuriga u ah ay helaan dhibanayaasha wajahay Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga.

Macluumaadka laxiriira kiisaska Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga waa in aan uusan diiwangelin Guddiga Xallinta Cabashooyinka ilaa shaqaalaha ka hawl-gala ay yihiin kuwo heysta taba-barka loo baahnaa, daruuriga u ah lata-caalida kiisaska nuucan ah. Macluumaadka la aruurin karo oo keliya ayaa ah nuuca cabashada (oraahda cabtuhu sheegay) iyo macluumadka kale ee dheeriga ah sida jinsiga cabtaha iyo inta sano ee uu jiro.

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GURIYEYNTA

IYO DIB U DHISKA EE XFS

MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  WAJIGIISA 2-AAD  SURP-II (P170922)

IYO 

MAAL-GELINTA DHEERIGA AH EE MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA WAJIGIISA 2-AAD

SURP-II-AF (P178887)

SIYAASADDA MAAREYNTA DEEGAANKA

IYO BULSHADA (ESMF)

HORDHAC

Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxa ay fulinaysa wajiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) iyada oo la adeegsanayo dhaqaale ay bixinayaan Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (SMPF) oo dhan 62 milyan US$ iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA) oo dhan 50 milyan US$. Mashruucan oo markii hore laga hirgeliyey magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa la ballaariyey, kadib heshiis hoosaad ah la saxiixay bilihii Agoosto iyo Sebtembar 2020, iyadoo lagu daray laba magaalo oo dheeraad ah oo kala ah Dhuusamareeb iyo Beledweyne. Magaalooyinkan ayaa lagu doortay iyadoo la eegayo mudnaantooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni iyo sidoo kale nuglaantooda (inay hooy u yihiin dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo kororka dadka deegaansaday).

RUKUNADA UU KA KOOBAN YAHAY MASHRUUCA

Mashruuca SURP-II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) ee ku lammaanan waxa uu ka kooban yihiin afar Rukumood (Components) oo horumarin ah. Rukunka 1aad waxa uu la xiriiraa (Kaabayaasha Dhaqaalaha Magaalada iyo Adeegyada), Rukunka 2aad waxa uu la xiriiraa (Xoojinta Hay’adaha iyo daaraasadaha), Rukunka 3aadna waxa uu  la xiriiraa (Maaraynta Mashruuca), waxaana lagu unkay Unugga Xiriirinta Mashruuca ee Wasaaradda Howlaha Guud (PCU ) iyo Unugyada Fulinta Mashruuca (PIUs) ee lixda magaalo, iyo  Rukunka 4aad oo ah, Ka Jawaabista Xaaladaha deg-degga ee Musiibooyinka (CERC).

MAALGELINTA DHEERAADKA AH (AF) EE SURP II

Iyada oo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku aadanaa in laga qeyb qaato gurmadka abaaraha, Rukunka 4aad (CERC),Bangiga Adduunka  waxa uu oggolaaday dhaqaale wax loogu qabanayo abaaraha, Qeybna ka noqnaaya Maalgelinta dheeraadka ah oo dhan 41.5 milyan US$, ayna si wadajir ah u bixiyeen Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah (SMPF) iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA), lana filayo inuu Bangiga Adduunka uu si rasmi ah u ansixiyo Juun 2022, waxayna qeyb libaax leh ka qaadan doontaa kor u qaadista hawlaha mashruuca SURP II. Howlaha mashruuca (sida, dib-u-dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka) iyo daboolida juqraafiyeed (lixda degmo ee gundhigga ah) waxay ahaan doonaan sidii hore.

UJEEDDADA HORUMARINTA MASHRUUCA

Ujeeddada Horumarinta Mashruuca (PDO) ee SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF), ee loogu talagalay inay kaalin muuqata ka qaataan wax ka qabashada abaaraha ayna maalgelineyso Rukunka Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah (CERC) ayaa ah “in la xoojiyo awoodda bixinta adeegyada guud ee dawladaha hoose, kordhinta helitaanka kaabayaasha dhaqaalaha ee  cimilada u adkeysan kara, kuna habboon magaalooyinka iyo in si degdeg ah oo wax ku’ool ah looga jawaabo barakaca ka dhashay abaaraha ka  jira deegaanada la doortay”.

KA-QAYBGALKA DANEEYAYAASHA IYO SHAACINTA MACLUUMAADKA

Intii lagu guda jiray diyaarinta mashruuca SURP II (oo ah mashruuca asalka), shirar wadatashi ayaa lagu qabtay magaalooyinga Muqdisho iyo Garoowe bilihii Luulyo iyo Agoosto ee 2019, taas oo ku saabsaneyd qaab-dhismeedka deegaanka iyo bulshada ee mashruuca (ESMF, RPF, SEF iyo LMP). Wada tashiyadaasi waxaa kasoo qeyb galay daneeyayaal baaxad leh oo isugu jiray dadka deegaanka, dadka uu saameynayo mashruuca, ururada bulshada, shaqaalaha rayidka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, shaqaalaha mashruuca iyo dadka nugul/la haybsooco. Arrimaha laga wada hadlay waxaa kamid ah aragtida guud ee mashruuca ee bulshada, fursadaha shaqo, caafimaadka iyo badqabka shaqada iyo bulshada, deegaanka, dib u dejinta iyo magdhowga la bixinayo, qorsheynta magaalooyinka iyo barakacayaasha, ka qayb qaadashada daneeyayaasha iyo Guddiga Xallinta cabashooyinka (GRC). Kismaayo iyo Baydhabo, wadatashiyada waxaa la qabtay bilihii Abriil iyo Maajo 2019. Qaab-dhismeedka iyo tarjumaadda Soomaaliga waxaa shaaca laga qaaday ka hor qiimeynta bishii Sebtembar 2019 iyadoo lagu shaaciyay dalka Gudihiisa.

Intii lagu guda jiray diyaarinta mashruuca Maalgelinta Dheeraadka ah (SURP-II-AF), wadatashiyo dheeri ah ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay 15ka Abriil ilaa iyo 2-da May, 2021. Kulamadan ayaa waxaa loo qabtay si fogaan-arag ah, iyadoo la tixgelinayay musiibada COVID-19 ee ka jirtay Soomaaliya. Wadatashiyadii Dhuusamareeb iyo Beledweyne waxaa diiradda lagu saaray oo lagu begsaday xubnaha bulshada oo ay kamid yihiin barakacayaasha, dowladaha hoose iyo masuuliyiinta wasaaradaha dowlad goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah ee aan dowliga ahayn iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ka-qaybgalayaasha kulamadan wadatashiga ah waxaa la siiyay warbixin guud oo ku saabsan macluumaadka mashruuca oo ay ku jiraan casharradii laga bartay hawlaha mashruuca SURP I iyo SURP II, ujeeddada guud ee horumarinta, qaybaha ay koobnaayeen iyo sidoo kale agaasinka fulinta. Kasoo qaybgalayaasha ayaa sidoo kale la siiyay dulmar ku saabsan Qaab-dhismeedka Deegaanka iyo Bulshada ee Bangiga (ESF), sidoo kalena waxaa lagu lafa guray halbeegyada deegaanka iyo bulshada ee khuseeya mashruuca.

Daneeyayaasha labada magaalo ee Beledweyne iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin mashruucan iyagoo tilmaamay in ay u arkaan fursad weyn oo ay u baahan yihiin si ay u horumariyaan magaalooyinkooda ayna kor ugu qaadaan noloshooda. Masuuliyiinta dawladda ee labada magaalo ayaa iyagana tilmaamay ujeedada horumarinta mashruuca, iyagoo xusay inuu kor u  qaadi doono awooddooda bixinta adeegyada bulshada ee dawladaha hoose iyo kordhinta helitaanka kaabayaasha iyo adeegyada magaalooyinka, taas oo u fududeyn doonta shaqooyinkooda isla markaana kordhin doonta aqbalaadda aragtida dawladda iyo kalsoonida dadweynaha. Waxaa laga hadlay arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan rajada bulshadu ka qabto maalgashiga dhinacyada mudnaanta leh, sidoo kale xal u helidda fatahaadaha magaalooyinka & xaalufka deegaanka, xaaladaha amniga guud, barakaca, shaqo la’aanta & arrimaha shaqada, iyo si siman loola dhaqmoaanta jinsiga. Qaab-dhismeedka ka Qeyb Galka Daneenayaasha (SEF) la cusboonaysiiyay waxa uu soo bandhigi doonaa guudmar tafatiran oo ku saabsan faallo-celinta daneeyayaasha.

HALBEEGYADA DEEGAANKA IYO BULSHADA EE KHUSEEYA (ESSS) EE BANGIGA ADDUUNKA

Iyadoo la tixgelinayo xaaladda Soomaaliya, guud ahaan khataraha deegaanka iyo bulshada waa mid “sareysa” marka lagu saleeyo hannaanka Kala Saarista Khataraha Deegaanka iyo Bulshada ee Bangiga Adduunka (ESRC). Tobanka Halbeeg ee Deegaanka iyo Bulshada (ESSs), siddeed ka mid ah ayaa khuseeya mashruuca SURP-II-AF iyo Maalgelinta dheeraadka ah (AF):

  • ESS 1 (“(“Qiimaynta iyo Maaraynta Khataraha Deegaanka iyo Bulshada iyo Saamaynta”)
  • ESS 2 (“Xaaladaha Shaqada iyo Shaqaalaha”)
  • ESS 3 (“Hufnaanta Kheyraadka iyo Ka-hortagga iyo Maareynta Wasaqda”)
  • ESS 4 (“Caafimaadka Bulshada iyo Badqabka”)
  • ESS 5 (“Helitaanka/Milkiyinta Dhulka, Xaddidaadaha Isticmaalka Dhulka iyo Dib-u-dejinta aan Ikhtiyaariga aheyn”)
  • ESS6 (” Kala duwanaanshaha Noolaha iyo Maareynta Waarta ee Khayraadka Dabiiciga ah ee Nolosha”)
  • ESS 8 (“Dhaxalka Dhaqameed”)
  • ESS 10 (“Ka Qaybqaadashada Daneeyayaasha iyo Shaacinta Macluumaadka”)

QAABDHISMEEDKA MAAMULKA DEEGAANKA IYO BULSHADA (ESMF)

Qaab dhismeedkan ESMF waxaa markii ugu horreysay la diyaariyey Sebtembar 2019 kadibna waxaa la cusboonaysiiyay Abril 2022. Qaar kamid ah hawlaha mashruuca SURP II ee socda ayaa waxaa la waafajiyay habraacyada lagu xusay ESMF. Ujeedada ugu weyn ee qaab dhismeedkan la cusboonaysiiyay waa in la xoojiyo oo la hormariyo tilmaamaha iyo habraacyada qiimaynta iyo yaraynta khataraha taban ee deegaanka iyo bulshada ee imaan kara sida lagu xusay qaab dhismeedka asalka ah ee la diyaariyey 2019 (ESMF), iyadoo sidoo kale la cadeynaayo casharradii laga bartay iyo sida loogu dabaqi doono waxqabadyada cusub ee lagu qorsheeyay Maalgelinta Dheeraadka ah ee SURP-II-AF. Sidoo kale, qaab-dhismeedka waxa uu qeexayaa mabaadi’da, tilmaamaha iyo habraacyada baarista iyo indha indheynta arrimaha deegaanka iyo bulshada, iyo qiimaynta/yaraynta dhammaan hawlaha ay maalgelinayaan SURP-II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) ee mashruuca SURP-II-AF.

Qaabdhismeedka ESMF waxu uu hubinayaa in hawlaha mashruucu ay waafaqsan yihiin shuruudaha lagama maarmaanka ah ee siyaasadda, xeerarka iyo sharciyada DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo sidoo kale Halbeegyada Deegaanka iyo Bulshada ee Bankiga Adduunka (ESSs).

KHATARAHA IYO SAAMEYNTA DEEGAANKA IYO BULSHADA EE LA FILAYO

Shaqooyinka la taaban karo ee uu ka kooban yahay mashruuca SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah ee ku lammaanan waa hawlo dhismo oo la xiriira horumarinta iyo tayeynta kaabayaasha dhaqaale ee ka jira magaalooyinka, waxaana la rajeynayaa in saameynta hawlahaasi dhismo ay noqdaan kuwa halbeeg-yar, maxalli ah sidoo kalena dib loo celin karo. Khataraha deegaanka ee la saadaalinayo waxaa ka mid ah saamaynta caadiga ah ee hawlaha dhismaha (sida, boorka, buuqa jawiga (noise pollution), nabaad guurka carrada, wasakhowga biyaha oogada, kala go’a isku-socodka, xannibaadda kumeelgaarka ah ee dadka lugeynaya, iyo wasakhowga ka imaanaya qashinka dhismaha), iyo sidoo kale qashinka ka imaanaya goobaha shaqaalaha. Khataraha kale ee deegaanka waxaa kamid noqon kara luminta dhirta iyo sidoo kale khataraha caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha. Isku imaatinka dad aad u badan, oo ay ku jiraan barakacayaal inta lagu guda jiro fulinta hawlaha CERC ee Muqdisho, Garowe iyo Baydhabo waliba iyada uu jiro cudurka faafa ee COVID-19 ayaa iyadana keeni karta khatarta inuu sii baaho feyriska. Qaar kamid ah hawlaha mashruuca waxaa laga yaabaa inay fuliyaan shirkado dhismo oo aan awood iyo khibrad dhameystiran lahayn kuwaas oo aan la ogeyn kartidooda iyo  sida hufan ay u fulin karaan mashruuca iyaga oo ilaalinaya Deegaanka iyo Bulshada. Sidoo kalena waxaa laga yaabaa inay shirkadahaasi aqoon badan aysan u laheyn Habdhaqanka Wanaagsan ee Caalamiga ah (GIIP). Qaran ahaan, nidaamka Qiimeynta Saameynta Deegaan iyo Bulsho (ESIA) iyo shuruudaha Caafimaadka iyo Badqabka Shaqada (OHS) waa mid liidata, maadaama awoodda maamul ee degmooyinka ay tahay mid daciif ah xilligan.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah khataraha iyo  saameynta deegaan iyo bulshada ayaa laga yaabaa inay muhiim tahay oo ay ka mid yihiin:

  • Helidda/Mulkinta dhulka iyo barakicinta caadiga ah iyo midda dhaqaale;
  • Khataraha suurtagalka ah ee la xiriira xaaladaha shaqada, sida Caafimaadka iyo Badqabka Shaqada (OHS), shaqaaleynta carruurta, murannada shaqada, khataraha amniga iyo sidoo kale tacaddiyada shaqada oo ay ka kamid yihiin dhibaataynta jinsiga, dhiig-miirashada ama ku daneysiga shaqaalaha, iyo noocyada kale ee xadgudubyada sida kuwa ku salaysan jinsiga (GBV);
  • Ka qadinta dadka danyarta ah iyo kuwa nugul faa’iidooyinka mashruuca;
  • Khatarta suurtagalka ah ee kororka in la kiciyo xiisado bulsheed oo saameyn taban yeesha (sida, khilaafaadka iyo murannada ka dhalanaya dib-u-dejinta ama ku qanacsanaan la’aanta degmooyinka aan loo dooran in laga fuliyo mashruuca yar); iyo
  • Khatarta suurtagalka ah ee gudbinta cudurrada faafa, sida safmarka COVID-19

AGABYADA DEEGAANKA IYO BULSHADA

Tallaabooyinka yareynta khasaaraha waxay keeni doonaan hirgelinta agabyada maaraynta khataraha deegaanka iyo bulshada sida ku cad Qaab-dhismeedka Deegaan iyo Bulsho (ESF) ee Bangiga. Waxyeellada deegaanka ee muddada-gaaban kuna saleysan aag gaar ah waxaa loogu hortagi doonaa iyadoo la raacayo habraacyada shaqo ee caadiga ah iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee maamulka howlaha dhismaha. Qaar kamid ah tillaabooyinka ka hortagga iyo yareynta khasaaraha ee gaarka ah, taas oo wax loogu qabanayo khataraha bulsheed waxaa kamid ah la tacaalidda Tacaddiyada ku Saleysan Jinsiga (sida, wacyigelita shaqaalaha maxalliga ah, adeegsiga xeerarka anshaxa, la-shaqeynta bulshooyinka maxalliga ah iyo hay’adaha bixiya adeegyada la-tacaalidda xadgudubyada jinsiga (GBV); diyaarinta iyo hirgelinta Qorshe Hawleedyada Dib-u-dejinta (RAP) iyo Habraacyada Maamulka Shaqada (LMP), ku daridda dadka danyarta ah iyo kuwa nugul fursadaha shaqo ee la xiriira mashruuca; iyo ka-qaybgalka daneeyayaasha si waxku’ool ah, oo ay kamid tahay inay qeyb ka noqdaan ayna u furnaadaan hannaanka wada-tashiga iyo qaababka Guddiyada Xallinta Cabashooyinka (GRM). Dhaqangelinta tillaabooyinkan waa kuwa lala socon doono oo laga warbixin doono inta uu socdo mashruuca.

AGAASINKA FULINTA

Mashruuca SURP-II-AF ee Maalgelinta Dheeraadka ah waxaa fulin doona,  Unugga fulinta mashruuca (PIU), ku suggan dowladdaha hoose,  oo ka kooban ugu yaraan isku-duwaha mashruuca,  injineer, iyo shaqsiyaad kale oo takhasus u leh qaybaha soo socda: ilaalinta deegaanka iyo bulshada, la socodka iyo qiimaynta, soo iibsiga, iyo maaliyadda. Intaa waxaa dheer shaqaale la falgala bulshada oo mid kamid ah ay noqon doonto qof dumar ah.

PCU oo laga dhisay Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS si ay u kormeerto sidoo kalena ay isugu dubarido PIU. Shaqaalaynta PCU  iyo PIU  ee SURP-II-AF waxay la mid tahay qaab dhismeedka SURP II. Mashruuca waxa uu leeyahay hey’ad ilaalisa tayada dhismaha iyo kormeerka oo caawin doona degmooyinka laga hirgalinaayo mashruuca. Waxaa kale oo jira Kormeere madax Banaan (TPM) oo sidoo kale ka hawlgeli doona mashruuca si loo hubiyo tayada kormeerka. Qandaraaslayaasha fulinaaya dhismaha waxaa waajib ka saaran yahay inay hubiyaan in tallaabooyinkooda dhanka Deegaanka iyo Bulshada loo fuliyay islamarkaana loogu warbixiyay sida saxda ah uguna macquulsan.

HABKA XALINTA CABASHOOYINKA (GRM)

Habka Sixidda Cabashooyinka ee loo isticmaalay SURP ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa SURPII-AF ee Maalgelinta Dheeraadka ah (AF), iyadoo lagu larayo casharradii la bartay sida muhiimadda ay leedahay in la helo dad kala duwan marka la xulayo xubnaha Guddiga Xallinta Cabashooyinka (GRC) iyo hagaajinta helitaanka iyada oo loo marayo waddooyin badan oo la qaadan karo. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Habka Sixidda Cabashooyinka (GRM) waxaa lagu sheegay dukumintiga la cusboonaysiiyay ee Qaab-dhismeedka Deegaanka iyo Bulshada.

Wixii talo ah ama tabasho ah ee la xiriira mashruuca SURP-II-AF waxaad ku soo gudbin kartaa qaab qoraal, telefoon,   fariin SMS iyo email ahaan. Si aad ugu gudbiso cabashadaada Dowladaha Hoose ee Hirgalinaaya Mashruuca SURP-II_AF waxa ay ka muuqdaan shaxda hoose.

 

Dowladda Hoose Telephone Email
Mogadishu 2323 (waa lacag la’aan) Xalinta.cabashada@gmail.com
Garowe 0907-747496

0907-790575

Mgure.suipp@plstate.so
Baidoa +252611435080 bmsurp2grc@gmail.com
Kismayo +252 619892222 grievancesurpii@gmail.com
Beledweyne +252 610369323 grievancessurp@gmail.com
Dhuusamareeb Waa la diyaarinayaa Cabashada.surp@gmail.com

 

SURP -II iyo SURP-II-AF labadaba waxa ay leeyihiin saddex heer dowladeed ah oo aad cabashadaada ku gudbin karto, kuwaas oo kal ah, heer degmo, Dowladda Hoose iyo heer Dowladda Federaalka ah. Muwaadinka cabashada tirsanaaya waxaa uu mar waliba xaq u leeyahay in uu la xirriro karo Hey’adaha caddaaladda ee Qaranka. Haddii ay jirto in Mashruuca uu maalgalinaayo Bangiga Adduunka uu bulsho ahaan ama shakhsi ahaan uu dhibaato u keenaayo waxaa uu cabasho u soo gudbin karaa bangiga adduunka,

email: grievances@worldbank.org.

 

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

 

WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GURIYEYNTA

IYO DIB U DHISKA

MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  WAJIGIISA 2-AAD (P170922)

IYO

MAAL-GELINTA DHEERIGA AH EE MASHRUUCA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  WAJIGIISA 2-AAD (P178887)

HABRAACA MAAMULKA SHAQADA

HORDHAC

Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxa ay fulinaysa wajiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) iyada oo la adeegsanayo dhaqaale ay bixinayaan Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (SMPF) oo dhan 62 milyan US$ iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA) oo dhan 50 milyan US$. Mashruucan oo markii hore laga hirgeliyey magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa la ballaariyey, kadib heshiis hoosaad ah la saxiixay bilihii Agoosto iyo Sebtembar 2020, iyadoo lagu daray laba magaalo oo dheeraad ah oo kala ah Dhuusamareeb iyo Beledweyne. Magaalooyinkan ayaa lagu doortay iyadoo la eegayo mudnaantooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni iyo sidoo kale nuglaantooda (inay hooy u yihiin dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo kororka dadka deegaansaday).

RUKUNADA UU KA KOOBAN YAHAY MASHRUUCA

Mashruuca SURP-II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) ee ku lammaanan waxa ay ka kooban yihiin afar Rukumood (Components) oo horumarin ah. Rukunka 1aad waxa uu la xiriiraa (Kaabayaasha Dhaqaalaha Magaalada iyo Adeegyada), Rukunka 2aad waxa uu la xiriiraa (Xoojinta Hay’adaha iyo daaraasadaha), Rukunka 3aadna waxa uu  la xiriiraa (Maaraynta Mashruuca), waxaana lagu unkay Unugga Xiriirinta Mashruuca ee Wasaaradda Howlaha Guud (PCU ) iyo Unugyada Fulinta Mashruuca (PIUs) ee dowladdaha hoose ee lixda magaalo, iyo  Rukunka 4aad oo ah, Ka Jawaabista Xaaladaha deg-degga ee Musiibooyinka (CERC).

MAALGELINTA DHEERAADKA AH (AF) EE SURP II-AF

Iyada oo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku aadanaa in laga qeyb qaato gurmadka abaaraha, Rukunka 4aad (CERC),Bangiga Adduunka  waxa uu oggolaaday dhaqaale wax loogu qabanayo abaaraha, Qeybna ka noqnaaya Maalgelinta dheeraadka ah oo dhan 41.5 milyan US$, ayna si wadajir ah u bixiyeen Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah (SMPF) iyo Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta (IDA), lana filayo inuu Bangiga Adduunka uu si rasmi ah u ansixiyo Juun 2022, waxayna qeyb libaax leh ka qaadan doontaa kor u qaadista hawlaha mashruuca SURP II. Howlaha mashruuca (sida, dib-u-dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka) iyo daboolida juqraafiyeed (lixda degmo ee gundhigga ah) waxay ahaan doonaan sidii hore.

UJEEDDADA HORUMARINTA MASHRUUCA

Ujeeddada Horumarinta Mashruuca (PDO) ee SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF), ee loogu talagalay inay kaalin muuqata ka qaataan wax ka qabashada abaaraha ee  Rukunka 4aad oo ah Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah (CERC) ayaa ah “in la xoojiyo awoodda bixinta adeegyada guud ee dawladaha hoose, kordhinta helitaanka kaabayaasha dhaqaalaha ee  cimilada u adkeysan kara, kuna habboon magaalooyinka iyo in si degdeg ah oo wax ku’ool ah looga jawaabo barakaca ka dhashay abaaraha ka  jira deegaanada la doortay”.

HABRAACYADA MAAMULKA SHAQADA

GUUDMARKA KOOBAN EE SHURUUCDA SHAQAALAHA

Axdiyada aasaasiga ah ee Ururka Shaqaalaha Adduunka oo ay ansixisay Soomaaliya. Soomaaliya waxay xubin ka ahayd Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) tan iyo 1960, waxayna ansixisay 6 ka mid ah 8-da xeer ee aasaasiga ah ee ILO.

Guudmarka xeerka shaqada qaranka Soomaaliya. Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (oo la ansixiyay Ogosto 2012) wuxuu ka hadlaa qaab-dhismeedka sharciyadda la  xiriira arrimaha shaqada. Xeerka Shaqada ee Soomaaliya (Sharciga Lambarka 65, ee la ansixiyay 1972) waa sharciga gaarka ah ee shaqada kaas oo xukuma dhammaan dhinacyada shaqada iyo xaaladaha shaqada, kaas oo ka kooban heshiiska shaqada, qodobada iyo shuruudaha, gunnada, caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha,  ururada shaqaalaha iyo hay’adaha shaqaalaha

Marka loo eego Halbeegga 2aad ee Deegaanka iyo Bulshada ee udegsan Bangiga Adduunka (ESS2: Xaaladaha Shaqada iyo Shaqaalaha), Dalka deeqda helay waxaa looga baahan yahay inuu u qoro Habraacyada Maamulka Shaqada (LMP) ujeedooyinka soo socda:

(i) In sare loo qaado badqabka iyo caafimaadka shaqaalaha;

(ii) In sare loo qaado mabaadi’da sinnaan kula-dhaqanka, takoor la’aanta iyo fursadaha siman ee shaqaalaha mashruuca;

(iii) In sida ugu habboon loo ilaaliyo shaqaalaha mashruuca, oo ay ku jiraan shaqaalaha nugul sida haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, carruurta (gaaray da’da shaqada, si waafaqsan halbeegga ESS2) iyo sidoo kale shaqaalaha soo galootiga ah, kuwa qandaraaslayaasha ah, kuwa bulshada, iyo shaqaalaha kumeelgaarka ah (primary supply workers)

(iv) In laga hortago adeegsiga dhammaan noocyada kala duwan ee shaqada qasabka ah iyo shaqaaleysiinta carruurta;

(v) In la taageero mabaadi’da xorriyadda ka-mid-noqoshada, iyo gorgortanka wadajirka ah ee shaqaalaha mashruuca si waafaqsan xeerarka udegsan qaranka; iyo

(vi) In la siiyo shaqaalaha mashruuca qaabab macquulgal ah oo ay ku soo gudbin karaan walaacyada iyo tabashooyinka ay ka qabaan goobta shaqada.

SHAQAALAHA MASHRUUCA

  1. A) Shaqaalaha tooska ah. Gobollada waxay u baahan doonaan taageero farsamo oo gaar ah, taaso bixin dooonan la-taliyeyaal , sababtoo ah uma badna inay yeeshaan khibrad ku filan oo ay ku maareeyaan Mashruuca SURP-II iyo AF. Mashruuca SURP-II iyo AF-keeda waxay hawlgelin doonaan la-taliyeyaasha soo socda: Unugga Hirgelinta Mashruuca (PIU), Unugga Isku-dubbaridka Mashruuca (PCU), iyo La-taliyayaaal ka kooban Injineerinka iyo Kormeerka, kuwaa oo ahaan doona “shaqaale toos ah”:
  • Unuga hirgelinta Mashruuca (PIU): Unugyada PIU-da ee magaalo kasta (Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne) ayaa mas’uul ka ah maaraynta iyo kormeerka guud ahaan hirgelinta Mashruuca SURP-II iyo AF, oo ay ku jiraan dhismooyinka ay fulinayaan qandaraaslayaasha. PIU kasta wuxuu shaqaaleeysiin doonaa ku dhawaad todoba(7) lataliye ee udhashay Soomaaliya oo khibrad u leh maaraynta iyo isku dubaridka mashriicda, maamulka iyo maaliyadda, nidaamyada iibka, injineernimada, ilaalinta deegaanka/bulshada, la-macaamilka bulshada, iyo kormeerka iyo qiimaynta. Wakhtiga shaqaalahaan loo baahanyahay ayaa ahaan doonta bilaawga ilaa dhamaadka mashruuca.

(ii)  Unuga Isku-dubaridka Mashruuca (PCU): Mashruuca SURP-II oo hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta (MoPW) ee XFS,  PCU, waxa uu  u xilsaaran ilaalinta iyo la socodka mashruuca. Xafiiska PCU-da waxaa ka shaqeeyn doona todobo (7) lataliye: Iskuduwaha Mashruuca guud, Injineer, Khabiirka Maamulka Maaliyada, Khabiirka Deegaanka/Badqabka, Khabiirka Korjoogteynta iyo Qiimaynta, Khabiir ku-takhasuska arrimaha Jinsiga iyo sarkaalka u xilsaanaran maamulka iyo maaliyada. Xafiiska PCU-gu waxaa loogu talagalay inuu jiro ilaa dhamaadka mashruuca.

(iii) Shirkadda Ilaalinta Tayada Dhismaha  iyo Shirkadda Madaxa banaan ee qaabilsan Kormeerka Fulinta Dhismaha: Shirkado ama hay’ado caalami ah ayaa loo kireeyn doona, si’ay u qabtaan kormeerka maalinlaha ah ee hawlaha dhismaha. Kooxda  injineerrada iyo la-talaiyaa kormeerka  waxay ka koobnaan doonaan shan (5) ilaa toban (10) khubaro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah, kuwaa oo u kala qeeybsanaan doona: maamule mashruuca, injineer yaqaan arrimaha naqshadeynta waddooyinka, sarkaal taageera mashruuca, sarkaalka yaqaana farsamada juqraafiga, sarkaal yaqaanna tirada hawsha laqabtay iyo kharashka galay, sarkaalka xiriirka bulshada iyo deegaanka iyo sarkaalka caafimaadka iyo badqabka. Lataliyaha injineernimada iyo kormeerka ayaa taageeri doona PIU-yada ilaa laga dhammeeyo hawlaha madaniga ah. Shirkada Injineerriyadda iyo  Kormeerka waxa shaqeeyn doontaa ilaa hawlaha dhismaha laga dhameeynaayo.

  1. Shaqaalaha qandaraaslayaasha ah. Shaqaalaha loo baahanyahay waxa ku xirnaan doontaa culeeska hawlaha dhismaha ee laga sameeynaayo magaalooyinka. Kuwa soo socda waa shaqaalaha kala duwan ee qanadaraaslayaasha ah ee la filayo in lashaqaaleeysiiyo:

(i) Shaqaalaha joogtada ah ee shirkadda qandaraaslaha ah (shirkadda dhismaha): Shaqaalaha joogtadaa ee farsama-yaqaanada ah  ee qandaraaslaha ee ku hawlan mashruuca waxaa ka mid ah maamulayaasha mashruuca, injineerada mashruuca, injineerada deegaanka, madaxa dhismaha, sarkaalka caafimaadka, sarkaalka maamulka iyo  maaliyadda. Iyadoo shaqaalaha noocaan ah ay u badan yihiin shaqaale Soomali ah, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan shaqaale caalami ah oo ka yimid dibadda Soomaaliya. Qandaraasluhu waxa kale oo uu noqon karaa shirkad dhisme oo Soomaali ah ama mid caalami ah. Shaqaalaha joogtada ah waxa kale oo laga yaabaa inay ku jiraan saraakiil dumar ah (sida injineer, sarkaal caafimaad iyo sarkaal ilaaliya bakhaarada).

  • Shaqaalaha xirfad layaasha ah oo ay kireeysteen qandaraasle-hoosaadlayaasha. Iyada oo ay ku xirantahay khibradda laga dhex heli karo shaqaalaha qandaraaslaha fulinayaa hawlaha dhismaha, qandaraasluha waxa laga yaabaa inuu soo kireeysto qandaraasle-hoosaadlayaal farsamo yaqaanno ah, kuwaas oo laga yaabo inay ku jiraan darawallo mishiinnada culus ee wax qaada, kuwa wadooyinka sima ama ciidda dhajiya, kuwa ciida iyo jaayga qaada ama kuwa dhulka qoda. Qandaraasluhu wuxuu kasoo kireeysan karaa shaqaalahaan gudaha Soomaaliya ama xittaa dibada ama wadamada dariska ah. Hawl-wadeennada mishiinnada aasaasiga ah sida darawallada qaansooyinka biyaha, wadayaasha baabuurta xamuulka qaada, kuwa shubka  shuba waxay u badan tahay inay yihiin shaqaale maxalli ah.
  • Shaqaalaha aan xirfadda laheyn ee qandaraasluhu ka kireeyo bulshada maxalliga dhexdeeda: Mashruucu waxa loogu talagalay in lagu abuuro shaqooyin, iyada oo la hawlgelinayo xubnaha bulshada ee aan xirfada laheyn. Si loo xaqiijiyo in fursadaha shaqo loo siman yahay, qandaraaslaha waxaa sharci ahaan looga baahan doonaa in uu la shaqeeyo PIUs si xilliga shaqasiinta loo hormariyo bulshooyinka maxalliga iyo kooxaha nugul , oo ay ku jiraan haweenka, barakacayaasha iyo dadka naafada ah. Xafiisyada PIU-da iyo bulshooyinka deegaanka ee maxalliga ah ayaa ka qeeyb-qaadanaayo xulista shaqaalaha aan xirfadda lahayn. Shaqada loo qoondeeyay haweenka aan xirfadda lahayn waxaa ka mid noqon doona la-macaamilka bulshada, maaraynta taraafikada, fidinta ciidda, dhajinta ciida ee gacanta la adeegsanaayo, nadaafadda maalinlaha ah ee goobaha shaqada, iyo qaadista qashinka.

(A) Shaqaalaha saadka dhismaha. Shaqada dhismaha ee hoos timaada mashruuca SURP-II iyo AF waxay u baahan doontaa sahayda aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dhismayaasha kaabayaasha mudnaanta leh, sida qalabka dhismaha oo ay ku jiraan Jaayga, laamiga madoow, bulukeetiga shubka ah.  Tirada iyo nooca Shaqaalaha saadka dhismaha waxaa lagu go’aamin doonaa marka la gaaro hirgelinta mashruuca. Shaqaalaha saadka dhismaha waxay shaqeeyn doonaan ilaa hawlaha dhismuhu socdaan.

(B) Shaqaalaha bulshada. Mashruucu ma yeelan doono shaqaale bulsho sida lagu qeexay ESS2. Xubnaha bulshada ee uu ku hawlan yahay qandaraasluhu waxa loo aqoonsan doona loona maamuli doonaa sidii “shaqaale qandaraas lala galay”.

(c) Daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya mashruuca. Daneeyayaasha ka shaqeeyn doona mashruuca SURP II iyo AF, marka laga reebo shaqaalaha mashruuca ee sare ku xusan, waxaa ku jiri doona kuwa soo socda.

  1. Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda: Qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee dowladda dhexe, Dawlad-goboleedka iyo dowladda hoose ee ka shaqeeya Mashruuca SURP-II iyo AF waxaa ka mid noqon doona Wasaaradaha Howlaha Guud ee Federaalka, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta; Wasaaradaha Howlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada; Dowladaha Hoose ee Muqdisho, Garoowe, Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne; iyo booliiska degmooyinka oo bixiya adeegyada amniga ee goobaha mashruuca. Shaqaalahaan waxaa hoos imaan doonan xeerarka ay hadda hoos tagaan, kuwaa oo hoos yimaada Dastuurka, Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah. Madhaceeyso inay shaqaalahaas looso bedelo hawlaha mashruuca.
  2. Kormeerayaasha madaxbanaan ee mashruuca: Bangigu waxa uu hawlgelin doonaa kormeere madax-banaan si uu u kabo kormeerkiisa mashruuca SURP-II iyo AF, kuwaa oo ka hawlgeli doona meelaha shaqaalaha Bangiga iyo La-talaiyaasha aysan aadi karin arrimo amni awgeed. Kormeeryaashaan waxaa hogaamin doona qandaraaska ay la leeyihiin Bangiga, mana lagu dhaqi doono halbeegga ESS2 ee Xaaladaha Shaqada iyo Shaqaalaha.

SIYAASADAHA IYO QAABABKA WAX LOOGU QABANAYO KHATARAHA SHAQADA EE MASHRUUCA

  • Caafimaadka iyo badqabka shaqada (OHS)

Iyada oo la raacayo qodobbada khuseeya  Xeerka Shaqada Qaranka ee Soomaliya (Qod. 101-104), iyo halbeegga ESS2 ee Xaaladaha Shaqada iyo Shaqaalaha ( oo ay kujiraan Tilmaamaha Bangiga Addunka ee Deegaanka, Cafimaadka iyo Badqabka Guud (EHSGs), lana waafaqayo Qorshaha Maareynta Deegaanka iyo Bulshada (ESMP) ee mashruuca SURP II iyo Maalgelinta Dheeraadka ah (AF) iyo heerarka dukumentiyada iibka ee Bangiga Adduunka, qandaraasluhu waa inuu u maareeyo dhammaan goobaha mashruuca qaab si heersare ah loogu ilaalin karo shaqaalaha iyo bulshada khataraha caafimaad iyo kuwa amni ee suurtagalka ah inay ka dhashaan shaqada. Qodobbada muhiimka ah ee qorshaha maamulka caafimaadka iyo badqabka shaqada (OHS) waxaa kamid ah (a) aqoonsiga khataraha ku imaan kara shaqaalaha; (b) siinta talooyin iyo soo-jeedinno ay kaga hortagi karaan halista (c) tababaridda shaqaalaha iyo sidoo kale ilaalinta diiwaannada tababarka; (d) qoridda iyo ka warbixinta shilalka iyo dhibaatooyinka ay shaqaalahu kala kulmaan shaqada; (e) u diyaargarowga xaaladaha degdega ah; iyo (f) in magdhow laga bixiyo dhaawacyada shaqada iyo dhimashada. Qandaraasluhu waa in uu si firfircoon ula shaqeeyaa oo uu kala tashadaa shaqaalaha mashruuca sidii kor loogu qaadi lahaa fahamka, iyo hababka dhaqangelinta shuruudaha caafimaadka iyo badqaba shaqada (OHS), sidoo kale waa inuu shaqaalaha mashruuca siiyaa xogta, tababarrada iyo qalabka ilaalinta ku filan si ay isaga difaacaan khataraha ka dhalan ka dhalan kara hawlaha shaqada ee mashruuca iyaga oo aan lagu dallaceyn wax kharashaad ah. Qandaraasluhu waa inuu sidoo kale hirgeliyaa tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19 inta la joogo goobta shaqada iyadoo la raacayo tilmaamaha Bangiga Adduunka (sida, hubinta heerkulka maalinlaha ah, kala-fogaanshaha bulshada, jeermis-dilka joogtada ah ee meelaha iyo agabka la wadaago, iyo in kulamada iyo shirarka lagu qabto meel furan oo waasac ah. Shaqaalaha mashruuca ee aan u hoggaansamin xaaladahan lagu ilaalinayo badqabkooda waa inay shaqada kusoo laabanin ilaa laga qaado tallaabooyin ganaax ah si loo saxo xaaladda. Shaqaalaha mashruuca lagama aargoosan karo lagumana qaadi karo tallaabooyin taban iyada oo asaas loogu dhigayo ka warbixin ay gudbiyeen ama ka fogaansho ay sameeyeen.

  • Shaqaaleynta Caruurta

Da’da ugu yar ee shaqaalaha mashruuca ee u qalma nooc kasta oo kamid ah shaqooyinka hoos yimaada SURP-II iyo (AF) (oo ay ku jirto shaqada dhismaha) waa 18 sano jir. Hawlgelinta shaqaalaha mashruuca ee da’doodu u dhaxayso 15 iyo 18 sano jir (gaar ahaan, kuwa nugul sida agoonta) waxaa loo ogolyahay kaliya inay ka shaqeeyaan shaqooyina aan khatarta aheyn waliba xad ku eg inta aysan ka mashquulineyn waxbarashadooda (iyadoo ay muhiim tahay in marka hore la sameeyo qiimeyn la xiriirta halista ka imaan karta shaqada ay qabanayaan sidoo kalena si san loo kormeero duruufaha caafimaadka iyo badqabka, saacadaha shaqada iyo dhinac kasta oo kale) si waafaqsan halbeegga ESS2. Si loogu hortago ku lug lahaanshaha shaqaaleynta caruurta da’da yar, dhammaan heshiisyada iyo qanadaraasyada shaqada waa in lagu xusaa qodobbo si cad u sheegaya shuruudaha da’da loogu baahan yahay shaqaalaha iyada oo la caddeeynayo da’da ugu yar; sidoo kale waa in la sheegaa ganaaxyada ka dhalanaya u hoggaansanaan la’aanta. Qandaraasluhu waxaa looga baahan yahay inuu ilaaliyo diiwaanka shaqada ee dhammaan shaqaalaha qandaraaslayaasha ah iyada oo la xaqiijinayo da’da.

  • Qulqulka shaqaalaha

Si loo yareeyo qulqulka shaqaalaha banaanka ka-imaanaya, Mashruuca SUPRP-II iyo AF waxa ay ka dalban doonaan qandaraaslaha inuu shaqo geliyo dadka maxalliga ah ee aan xirfadda laheyn. Shaqaalaha qanadaraaska lala saxiixday oo dhan waxa laga rabi doona inay sixiixaan Xeerka Anshaxa kahor inta aysan shaqada billaabin. Xeerkaan ayaa ka koobnaan qodobo lagula tacaalaayo khatartala la-xiriirta Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga (GBV). Tababarro kuhaboon ayaa lasiin doona shaqaalaha, oo ay kamidyihiin wacyigelinta shaqada kahor iyo wacyigelin maalinlaha oo qeexeysa dhaqanka shaqaalaha laga filaayo iyo qiyamka maxalliga oo haboon in la ilaasho.

  • Murannada shaqada ee ka dhasha shuruudaha iyo qodobbada heshiiska shaqada

Si looga fogaado murannada shaqada, qodobbo iyo shuruudo caddaalad ah ayaa lagu dabaqi doonaa shaqaalaha mashruuca SURP-II iyo AF  Mashruuca SURP-II iyo (AF) waxay sidoo kale yeelan doonaan qaabab loogu talagalay in ay shaqaaluhu (shaqaalaha tooska ah iyo shaqaalaha qandaraaslayaasha ah) ku gudbiyaan cabashooyinka (si markaas si degdeg ah wax loogu qabto cabashooyinkooda goobta shaqada Intaas waxaa dheer, SURP-II iyo (AF) waxay ixtiraami doonaan xuquuqda ay shaqaalaha u leeyihiin ururrada shaqaale iyo xoriyada ka-mid-noqoshada ururrada, si waafaqsan Xeerka Shaqada Qaranka.

  • Takoorka iyo heybsooca dadka nugul/danyarta ah

 Shaqaalaysiinta shaqaalaha ee mashruuca SURP-II iyo (AF) waxay ku salaysnaan doontaa mabaadi’da fursadaha shaqo ee loo siman yahay iyo sinnaan kula dhaqanka shaqaalaha, mana jiri doonto takoorid ka jiri doonta dhinac kasta oo hannaanka shaqada ah haddii ay ahaan laheyd dhanka shaqaaleysiinta iyo qoridda, shuruudaha shaqada (oo ay ku jiraan mushaarka iyo gunnooyinka), shaqo ka joojinta iyo helitaanka tababarrada. Si wax looga qabto khatarta takooridda iyo ka-reebista dadka nugul ama danyarta ah (sida haweenka, barakacayaasha iyo dadka naafada ah) fursadaha shaqada, SURP-II iyo (AF) waxay uga baahan yihiin qandaraaslaha inuu shaqaaleysiiyo dadkaasi iyadoo lagu qorayo hawlaha shaqo ee xirfadda badan aan u baahneyn. Qandaraaslaha waxa kaloo laga doonayaa inuu u hoggaansamo Xeerka Shaqada Qaranka ee ku saabsan sinnaanta raga iyo dumarka marka la joogo goobta shaqada, taas oo ay kamid tahay in haweenka la siiyo fasaxa umusha iyo fasaxa naas-nuujinta iyo sidoo kale hirgelinta musqulo iyo goobo nadaafadeed oo ku filan oo ay u kala soocan yihiin  ragga iyo dumarka. Qandaraaslaha waxaa sidoo kale looga baahan yahay inuu suurtageliyo jawi nabdoon oo shaqo si markaa loogu fogaado ka-faa’ideysiga ama dhibaateynta la xiriirta jinsiga ee suurtagalka ah, gaar ahaan xilliga shaqaaleysiinta haweenka xirfadda leh ama kuwa aan laheyn ee loo qaato inay ka shaqeeyaan mashaariicda.

  • Khataraha amniga

Iyada oo la tixgalinayo khataraha amni ee waaweyn ee ka jira qaybo kamid ah magaalooyinka laga fulinayo mashruuca SURP-II iyo (AF), waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tillaabooyin amni oo ku habboon sidoo kalena ku filan in la yareeyo khataraha ku imaan kara shaqaalaha. Tallaabooyinka amniga waxaa ka shaqeynaya ciidamada ammaanka si markaa wax loogu qabto khataraha amni ee dibadda, waxaana maamuli doona hay’adaha amniga ee dowladaha hoose ee ay khuseyso. SURP II iyo (AF) waxay wax ka qaban doonaan khataraha amniga ee gudaha ee la xiriira inay ciidamada ammaanka ay ku milmaan shaqaalaha mashruuca iyo guud ahaan bulshada si waafaqsan Qormada Hab-dhaqanka Wanaagsan ee Bangiga Adduunka “Qiimaynta iyo Maareynta Khataraha iyo Saamaynta Isticmaalka Ciidammada Amniga”.

  • Kormeerka iyo ka warbixinta

Qandaraasluhu waa inuu si bille ah warbixin usiiyaa PIU iyo la taliyayaasha dhanka injineeriyadda iyo kormeerka marka uu fulinayo siyaasadaha iyo habraacyada kor ku xusan. Haddii ay dhacdo xaalad dhimasho ama dhaawac daran oo la xiriirta mashruuca, waa inuu durbadiiba ku wargeliyaa PIU (sidoo kale eeg faqrada hoose). PIU iyo la-taliyayaasha dhanka injineeriyadda iyo kormeerka waxa ay si dhow ula soconayaan qandaraaslaha ama qandaraasle hoosaadka (subcontractor) iyaga oo kormeeraya habsami usocodka xaaladaha caafimaad iyo badqab ee shaqaalaha, waxa ayna warbixinta u gudbin doonaan Bangiga Adduunka saddexdii biloodba mar. (eeg Qaybta X wixii faahfaahin dheeri ah).

  • Dhimashada iyo dhaawacyada daran

Haddii ay dhacdo dhimasho ama dhaawac culus oo xagga shaqada ah, PIU waa inay ku wargaliyaan Bangiga isla marka ay ogaadaan dhacdooyinkaas, islamarkaana ay la socodsiiyaan hay’adaha dawladda (haddii la heli karo) si waafaqsan shuruudaha u warbixinta qaranka (Xeerka Shaqada, qod. 102). Waa in lagu dhaqaaqaa tallaabooyin la tacaalid isla markaasba, si looga jawaabo shilalka ama dhibaatooyinka ka dhasha mashruuca. PIU ama, marka ay khusayso qandaraaslaha, waxaa looga baahan yahay inay sameeyaan falanqayn ku aaddan sababta keentay shilka si loo qaabeeyo loona dhaqangeliyo tallaabooyin la-tacaalid oo dheeraad ah.

HABKA XALINTA CABASHASHADA

SURP-II iyo (AF) waxa ay yeelan doonaan nidaam cabasho oo wax loogu qabto tabashooyinka ay tirsanayaan dhinacyada ay saameynta taban kasoo gaarto shaqada mashruuca, iyadoo ay kala duwanaan doonto cabashooyinka shaqaaluhu soo gudbiyaan.

Tusaale ahaan, cabashooyinka goobta shaqada ee caadiga ah waxaa kamid ah baahida fursadaha shaqagelin; heerka mushaaraadka shaqada iyo dib u dhaca lacag bixinta; khilaaf ka abuurma xaaladaha shaqada; iyo tabashooyinka caafimaadka iyo badqabka ee loogu baahan yahay deegaanka lagu shaqeynayo. Sidaas darteed, waa in loo sameeyaa shaqaalaha mashruuca (shaqaalaha tooska ah iyo shaqaalaha qandaraaslayaasha) hannaan cabasho oo gaar ah, sida looga baahan yahay halbeegga ESS2.  Wax ka qabashada cabashooyinka waa inay noqotaa mid mowduuci ah, degdeg ah oo ka jawaabta baahiyaha iyo tabashada ay tirsanayaan shaqaalaha. Waa in la sameeyaa siyaabo kala duwan oo ay shaqaaluhu ku soo gudbin karaan cabashadooda, sida inay kusoo gudbiyaan si shaqsi ahaaneed, taleefan, fariin qoraal ah, boosto iyo email. Cabashada la soo gudbiyay waa in la diiwaan galiyaa oo lagu ogaadaa hal maalin gudaheed, iyadoo waqtiga wax looga qabanayo ay ku xirnaan doono nooca cabashada. Cabashooyina la xiriira caafimaadka iyo badqabka deegaanka shaqada ama arrimaha kale ee degdegga ah waa in si dhaqso ah wax loogu qabtaa. Marka cabashada lagu xallin karin waqti macquul ah gudaheed, shaqaalaha dhibbanaha ah waa in loogu sheegaa qoraal, si ay ugu suurtagasho inuu ka fakaro dacwad uu geysto maxkamadda racfaanka (hoos ka eeg faahfaahin dheeri ah). Habka cabashada waxay sidoo kale u oggolaan doontaa shaqaalaha inay gudbiyaan cabashooyin qarsoodi ah, taas oo si gaar ah loo tixgelin doono xallintooda. Dadka soo gudbinaya faallooyinka ama cabashooyinka waxay codsan karaan in magacooda la ilaaliyo.

Habraaca Racfaanka Qaranka. Habka Racfaanka Qaranka. Sida ku cad Xeerka Shaqada Qaranka (qodobka 134), dacwad kasta oo shaqo ee uu qabo shaqsi waxaa loo gudbin karaa Sarkaalka Shaqada ee degmada si uu u dhexdhexaadiyo. Sarkaalka waxa loo igmaday inuu khilaafka ku xalliyo muddo 14 maalmood gudahood ah oo ka billaabaneysa maalinta loo soo gudbiyo.

Cabashooyinka La Xiriira Tacaddiyada Ku Salaysan Jinsiga (GBV). Si looga fogaado khataraha ka dhalan kara caloolyowga iyo uga sii daridda dhaawaca maskaxeed iyo aargoosiga suurtagalka ah, habka cabashada waa inuu lahaadaa qaab ka duwan sida caadiga ah oo loola macaamilo kiisaska la xiriira tacaddiyada jinsiga (GBV). Guddiga Xallinta Cabashooyinka (GRC) waxa uu lahaan doonaa xubin dumar ah oo u tababaran wax ka qabashada cabashooyinka tacaddiyada ku saleysan jinsiga (GBV) waxaana la shaqeyn doonta sarkaalka la falgalka bulshada oo dumar ah kana tirsan PIU oo iyaduna khibrad u leh wax ka qabashada arrimaha jinsiga oo ay kamid tahay GBV. Xogta ku saabsan kiisaska GBV waa in aan lagu soo uruurin Habka Cabashada ilaa hawl-wadeennda loo tababaro habka xog uruurinta turidda leh oo aan xukunka laheyn sidoo kalena qarsoodina ah. Kaliya dabiicadda cabashada (waxa uu yiraahdo/tiraahdo qofka cabanayo ereyadiisa) iyo xogta shakhsiga, sida da’da iyo jinsiga, ayaa la keydin karaa sidii caadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here