Mas’uuliyiin tirsan dowlada oo booqday Taliyihii hore ee Asluubta

0

Muqdisho – Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Taliyaha loosoo magacaabay Taliska Asluubta Gen Xaamud ayaa goordhow gurigiisa ku booqday Taliyaha Xabsi guriga ah Gen Mahad Shubka iyagoo sida ay Shabelle xog ku heshay kala soo hadlay sidii uu xilka ku wareejin lahaa isagoo maxbuus Siyaasadeed ah.

 

Xubno ka tirsan Qoyska Taliyaha ayaa sheegay in xil wareejinta Taliska Asluubta lagu balamay Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Gen Mahad oo ay Gurigiisa dul fadhiyaan Askar ka tirsan Haramcad ayaan la ogeyn in ay Dowladda Federaalka iska sii deyn doonto marka xilka laga wareejiyo isagoo Maxbuus ah iyo in kale balse Siyaasiyiinta qaar ayaa u arka in sii deynta Taliyahan Maxbuuska ah iyo Howlgalka DFS ee Koonfur-Galbeed ay isku xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here