Mas’uuliyiintii ku dhaawacmay weerarkii Laas Gacmey oo loo qaaday dibadda

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladda mas’uliyiintii ku soo dhawacmay weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen deeganka Laas Gacmey oo  oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

Warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in xaalad  caafimaad  dalka dibadiisa maanta loogu qaaday qaar kamid ah mas;uuliyintaas oo shalay la keenay magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah madaxweynaha Galmudug iyo Senator Cabdi Qaybdiid oo dhaawacyo xagtin ah ay kasoo gaareen weerarkaasi, kadib markii uu ku dumay gurigii ay joogeen.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa goor sii horreysay u sheegay VOA in xaaladda caafimaad ee Qoor Qoor ay wanaagsan, balse uu soo gaaray dhaawac fudud

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray deegaanka Laas Gacmeey xilli aroor ah, balse weerarkaasi ayaa la sheegay in uusan gaarin bartilmaameedkiisa, ayna ka hortageen qaar kamid ah ciidamada ilaalada Qoor Qoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here