Maxaa ka jira in hub iyo gaadiid dagaal la geliyay magaalada Garoowe?

0

GAROOWE (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa lagu beeniyey wararka sheegaya in hub iyo gaadiid dagaal oo fara badan la soo galiyey magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

 

Qoral kooban oo ka soo baxay taliska ayaa u qornaa sidan:

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo ku hadlaya afka guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa shacabka caasimadda Puntland ugu baaqay in ay is dajiyaan’ taliyaha ayaa sheegay in  aysan jirin wax amni daro ah oo ka jira Garoowe.

Dadka wada khalkhal galinta amniga oo dadka rayidka ah beenta u sheegaya waa in ay ka waantooban been abuurka aan sal iyo raadka lahayn sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo lagu arko khalkhal galin amni iyo kicin bulsho bilaa caddayn ayaa lagu yiri war ka soo baxay booliska gobolka Nugaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here