Maxaa ka jira in la wareejiyay maamulka hawadda Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa waxaa uu beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira maamulka hawadda Dalka.

Duran Axmed Faarax ayaa beeniyay in maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tani ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here