Guddiga loo xilsaaray dhacdadii xafiiska R/W Rooble oo saraakiil u yeeray

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga uu dhowaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ee loo xil-saaray dhacdadii 27-ka December ayaa war cusub kasoo saaray baaristooda, waxayna u yeereen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Qoraal ka soo baxay gudddiga ayaa waxaa looga codsaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka inuu saraakiishaas guddiga u soo diro maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Saraakiisha loo yeeray ayaa kala ah:- Gaashaanle sare Xasan Aadan Dhicis oo ah taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin taliyaha ururka 60-aad ee Guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha ururka 60-aad iyo laba xidigle Muuse Maxamed Cadow (Shaarib) taliyaha koox horinta gurmad ee ururka 60-aad.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here