Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa todobaadkan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka iyo abaaraha baahsan ee haatan ka jira deegaanada Jubbaland.

Wasiirada qaar ayaa laga dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladaha soo kordhay ee ka taagan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka inta uu socday lagu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan mid golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here