Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada ee Jubbaland?

0

Madaxweyne ku xageenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan, ayaa shir gudoomiyay shirka todobadlaha ah ee golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Ugu horayn Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha ammaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.

Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.

Dhinaca kale Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

Wasaarada waxbarashadana waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here