Maxay dowladda Kenya ka tiri arrinta aqoonsiga Somaliland?

0

NAIROBI (SMN) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kahadashay xiisadda Itoobiya, waxayna sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here