Maxay Fiqi iyo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska kawada hadleen?

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles Nicholas King.

 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo dib-u-habeynta ciidamada dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo la adkeynayo dadaallada wadajirka ah ee la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada xasillinta dalka, oo ay ku jiraan tababarrada ciidamada, horumarinta hay’adaha difaaca, iyo guud ahaan dib-u-habeynta amniga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray taageerada la siiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo door weyn ka ciyaara sugidda amniga deegaannada la xoreeyey iyo xoojinta nabadda iyo maamulka.

Safiir King ayaa dhankiisa markale xaqiijiyey sida ay Boqortooyada Ingiriiska uga go’an tahay taageerada madax-bannaanida, xasilloonida, iyo horumarka waara ee Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimada iskaashiga sii socda ee dhanka difaaca iyo amniga, gaar ahaan howlaha la-dagaallanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here