ANKARA (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka Dalka.
Cali Guudlaawe oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho ayaa waday kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo madax kala duwan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-