Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Saciid Deni iyo danjiraha UK + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi  Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis.

 

Kulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada   Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland  loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.

Puntland aya waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo siyaasadeed oo ku aadan muranka hareeyay doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here