JIDDAH (SMN) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada dalka Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ioyo kobcinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga
Sidoo kale waxaa kulanka madaxweyne Xasan iyo Bin Salmaan lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay Jiddah ugula kulmay ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq mudane Mohammed Shia al-Sudani oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.
Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jiddah u tegay ka qeyb-galka Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeeyay qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan waddamada Carabta iyo arrimaha Gobolka.