IMF oo soo gabagabeysay qiimaynta dib u eegista 5-aad deyn cafinta Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

 

IMF ayaa sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, abaaro iyo isbeddelka cimilada– haddana Dowladda Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha deyn cafinta ee dib u habeynta maaliyadda, kordhinta Dakhliga gudaha iyo xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowliga.

Hay’adda lacagta Aduunka waxay sheegtay inay siinayso Soomaaliya $9.4 milyan oo dollar oo lagu taageerayo dowladda inay ku fuliso howlaha hortebinta u leh barnamijka deyn-cafinta dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan 2023 filaysa in ay gaarto bar-dhamaadka deyn-cafinta “Completion Point ” taasoo soo afjaraysa safarkii dheeraa ee dalka looga cafinayay in ka badan 5 bilyan oo dibada looga lahaa.

Soomaaliya oo hadda ku jirta dib usoo kabasho oo dhinac walba ah, ayaa caqabado badan ka haysta dhanka dhaqaalaha, iyadoo lacagtii dalka oo dabar go’day midii lagu bedeli lahaa loo waayay dhaqaalihii lagu soo daabici lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here