Maxay ka wada-hadleen Rooble ururada bulshada rayidka?

MOGADISHU (SMN) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu ka dhageystay tallooyin ku aaddan sidii doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda jawi nabdoon oo daahfuran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ururrada Bulshada Rayidka uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka Dalka, waxaana uu kula dardaarmay inay dhankooda gacan ka geystaan hirgelinta doorashada.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka taagan tahay xiisad u dhexeysa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan.