Sawirro: Maxay ka wada-hadleen safiirka Imaaraadka iyo guddoomiyaha SoDMA?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

 

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraad-ka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dhankiisa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here