Maxay ka wada-hadleen wasiir arrimo dibadeedyada Soomaaliya & Cumaan?

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, oo ay ka wadahadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waday wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka dhanka dibadda, wuxuuna horey ula hadlay dhiggiisa Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here