Maxkamad ku taalla Kismaayo oo xukuntay nin dilay hooyadiis

0

KISMAAYO (SMN) – Maxkamadda Magaalada Kismaayo ayaa saaka shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday 29 bishii 8-aad ee sannadkaan  Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad Magaaladaas ku dilay hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar.

 

Dacwadda ninkan oo muddo soo socotay ayaa maxakamadda waxa ay ka yeelatay fadhiyo kala duwan, waxayna ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah.

“Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dabmiibe, Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 sano jir ah, ina Xaliimo Maxamed Cumar ku dhashay Baardheere, deggan Kismaayo oo wakiilu dacwo u yahay Maxamed Daahir Ibraahim dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Xailiimo Maxamed Cumar 61 jir ah ina Baar Cismaan Cabdi” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda.

Sidoo kale waxa maxkamaddu intaasi kusii dartay in xukunkan dilka ah la fulinayo maalmaha soo socda.

Kiiskan ayaa argagax ku abuuray reer Kismaayo iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada, ayadoo haatan lasoo dhaweeyay xukunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here