DHUUSAMAREEB (SMN) – Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saraakiil iyo dabley loo heysto inay ka qayb qaateen weerarkii ay Dhuusamareeb kusoo qaaday Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Maxkamadda ayaa fartay taliyeyaasha ciidamada ee sida tooska ah ugu socoto warqadan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabtaan xubnahaasi la doon doonayo.
Galmudug ayaa horey u shaacisay liiska xubno ka mid ah Ahlu Sunna oo uu ku jiro Sheekh Shaakir, waxayna ka codsatay shacabka inay xogtooda lasoo wadaagaan laamaha amniga.