Puntland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Maamulka Puntlnad ayaa diidmo adag kala hor yimid shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, kaas oo ku adanaa sami qaybsiga xujeyda sanadkaan ka tagysa Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhammaan xujey gaar ah siisey maamul goobleedyada oo ay ku jirto Somalilnd.

Agasimaha wasaradda cadaladda Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland ay nasiib daro u aragto in 300 oo kaliya la siiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrinkaasi ay u arkaan cadaalad daro xoogan oo ay sameysay dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirka la eedeeyey uu haatan ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here