Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay askari dil ka geystay Beledxaawo

0

BELEDXAAWO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada, qaybteeda 27-aad ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Faarax Dhaqane oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Askarigan ayaa horey u dilay marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa farsamayaqaan, waxayna maxkamaddu ku ridday xukun dil toogasho ah oo maanta lagu fuliyey.

Goobta lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada, ehellada marxuumkii uu horey u dilay & mas’uuliyiinta maamulka Gedo.

Waa dilkii labaad oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida fulisay, waxaana ugu dambeeyey Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo shalay lagu toogtay barxadda degmada Luuq, kadib markii isna lagu helay dil uu u geystay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaajle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here