Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday Xaawo Cismaan iyo labo kale

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanay Al-Shabaab, taasoo siyaabo kala duwan ula shaqayn jirtay.

 

Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabadh dhalinyaro ah ayaa lagu helay in kooxda ay u hayn jirtay hubka isla markaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dawladda u shaqeeya.

Xaawo ayaa kooxda ku biirtay kaddib markii ay baraha internet-ka ka daawatay muuqaallada Al-Shabaab, sida ay ka hor sheegtay maxkamadda.

Gabadhan ayaa waxaa sidoo kale lala xukumay Cawil Aadan Jaamac iyo Xasan Cali Xasan oo iyaguna lagu helay inay la shaqeynayeen Al-Shabaab/

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in Cawil Aadan Jaamac lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale waxaa Xaawo Cismaan lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka Xasan Cali isna lagu ridday 1 sano oo il ku heyn booliska ah.

Dhanka kale maxkamadda ayaa sii daysay nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Xuseen, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here