Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay lix kamid ah Xaasaska Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada ayaa go’aan kasoo saartay kiiska lix kamid ah xasaaska Al-Shabaab, kuwaas oo ay Sh/Hoose kasoo qaabteen ciidamada dowladda.

 

Haweenkan ayaa la socday gaari Gaari Layla Calaawi ah oo ka yimid deegaanka Kuunyo-barrow, waxaana lagu qabtay deegaanka 21-kii April ee sanadkan lagu qabtay Number -50.

Gaariga ayaa waday agab laga farsameeyo qaraxyada, waxaana la socday haweenka lasoo qabtay, darawaalkii waday iyo kirish-boy.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Xukunka oo ugu dambeyn maanta soo baxay ayaa waxaa u dhacay darawalka baabuurka waday oo lagu magacaabo Yusuf Cali Nuune ayaa waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin haweenkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here