Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay nin horay u gaystay weerar qarax ah

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro ah.

Ninkan oo ah 23 jir kana soo jeeda Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto Fekon inta aysan tashkiilin Al-Shabaab, isagoo ku noolaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maaddaama ay qaraabo ahaayeen.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa , waxayna maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here