Maxkamadda gobolka Banaadir oo qaraar ka soo saareyso kiiska Matt Bryden

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhiisatay gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaasi oo loo heystay eedeysanayaal ay ka midyihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin Ajaanib, kuwaasi oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo aas aasaasayaashii shirkadda SAHAN RESEARCH.

Shaqaalahan ayaa lagu soo eedeeyay falal ay ka midyihiin faafinta xogaha amniga Qaranka iyo basaasid siyaasadeed, kuwaasi oo ku xudgudbay qodobada 1999-200-201-202-204-205-71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanaayaal horeyna ay maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakiin ay imaan waayeen, maxkamaduna ay qabatay qareeno difaaca eedeysanayaasha.

Intaa ka dib qareenadii waxa ay keeneen fadhigii maxkamadda ee manta is hortaag ka dhan ah xaashida eedda, sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa ka jawaabay is hortaagaas, waxaana ay maxkamaddu ku soo afmeertay fadhigan inay qaraar ka soo saareyso is hortaagaas ay keeneen qareenada difaacaya eedeysanayaasha.

Lifaaq Hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Maanta oo taariikdhu tahay 29/05/2021 Maxkamadda G/banaadir waxa ay u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaas oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH, laguna eedeynayay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed loona heystay in ay ku xad gudbeen Qod. 199-200-201-202-204-205-71-XCS, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanayaal horayna ay Maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakin ay imaan waayeen, Maxkamadduna ay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas.

Intaa kadib qareenadii waxa ay keeneen fadhigii maanta is hortaag ka dhan ah xaashida eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay kusoo afmeertay fadhigan in ay qaraar ka soo saarayso is hortaagaasi ay keeneen qareenada Difaaca Edeysanayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here