Maxkamadda gobolka oo ku dhawaaqeysa xukunka eedeysanayaal loo haysto musuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gabagabeyso dhageysiga Dacwadda 11 eedeysane oo u shaqeynayey qaar kamid ah wasaaraddaha iyo hey’addaha kale ee dowladda, kuwaas oo loo haysto eedo musuq-maasuq ah iyo wax isdaba marin.

 

Shaqsiyaadkan oo uu xafiiska xeer ilaalintu horey ugu usoo eedeeyay Xatooyo Xoolo dadweyne iyo sameysashada dukumintiyo been abuur ah ayey muddooyinkii ugu dambeeyay dacwadoodu ka socotay Maxkamadda Gobolka.

Maxkamadda oo muddadaas ba soo dhageysanaysay doodaha la xiriira dacwadaha eedeysanayaashan ayaa la filayaa in ay maanta soo saarto go’aanka ugu dambeystaah ee xukunadooda.

Eedeysanayaasha oo intooda ugu badan ka howlgalayey Xafiisyadda Maamulka Maaliyadda ayey xeer ilaalintu kusoo oogtay in ay dhaceen lacago farabadan inkastoo ay iyaga iyo qareenadoodu ay iska fogeynayeen dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here